19th September 2024  admin  Category :

Ma tahay inay Soomaalidu ku biirto bahweynta Bariga Afrika?

Siyaasiyiinta Hawiye, gaar ahaan kuwooda xag jirka ah ee marka la soo gaabiyo loogu yeedho HAG, ayaa iyaga oo Soomaalida marin habaabinaya xaaladda jirtana ka leexinaya, iyaga oo ay ka tahay qabyaalad, waxay mar kale waxay fureen dood ah “Ma tahay inay Soomaalidu ku biirto bahweynta Bariga Afrika? iyada oo ay midnimaddii Soomaaliya khatar ku jirto oo gobolka Sool dhiig ku daadanayo

Midnimada Soomaaliya ayaa khatar ku jirta oo gobolka Soool shacab Soomaaliyeed ee ku nool ayaa dhiigooda u daadinaya midnimada iyo wada jirka Soomaaliyeed. Bulshada reer Sool, ayaa Soomaalida inteeda kale waxay ku sugayeen inay ku garab istaagaan wada jirka Soomaaliya, Soomaalida qaarkood waa ka aamuseen sida madaxda dawladda federaalka, qaarkoodna waxay ka doc fureen baraamijyo kale sida Ma tahay inay Soomaalidu ku biirto bahweynta Bariga Afrika?

Caynte, oo markii wasiika qorshaynta ahaa yidhi “Gobolada Soomaliya waxa ugu dad yar gobolka Sool, mana yidhi argagixisada Soomaaliya waxay ka bilaabantay Laascaanood, Farxaan Jimcaale oo markii BBcda joogay halhays ka dhigan jiray Sool iyo Sanaag waa dhul laysku haysto iyo wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Hadhiye ayaa wata Barnaamijkan marin habaabintan

Kooxdan, oo marka ay wax kharibayaan raadsada mid jilicsan oo liita oo ka soo jeeda beesha Daarood, si ay ugu awr kacsadaan sida Ra’isuwasaaraha Soomaliya ee hadda xilka haya iama Siyaasigii hore ee beesha Leelkase Cabdirashiid Xaashi , Haddii ay waataana raadsada Siyaasiyiin ay wax u dhiibtaan oo ay ka soo `dhacsan karaa sida wasiirka warfaafinta ee hadda xilka haya Daa’uud Aweys Jaamac iyo Cabdisalaam Hdhiye oo ay mar u dhiibteen wasiirka arimaha dibadda.

Ugu danbayntii, Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay midnimo iyo in lagu taageero Bulshada gobolka Sool halganka ay ku jiraan ee ilaalinta midnimada Soomaaliya. Cid kasta oo mashruuc kale ka dhinac furta waxba kama duwana kuwa doOnaya inay dalka kala gooyaan sidaas awgeed waa I indho gaar ah lagu hayaa Kooxda uu Cumar geele samaystay ee danihiisa uga shaqeeya Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*