19th September 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Marwo Anita Kiki Gbeho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulanka Guddoomiyaha iyo Marwo Anita Kiki, ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo xustay inay UNSOM taageereyso dadaalada uu garwadeenka ka yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada argagaxisada go’doomiyeen.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa gunnaanadka kulanka ayuu Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay halka ay mareyso arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed isagoo la wadaagay inuu kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*