25th October 2024  admin  Category :

Wiil yar oo aan qaan gaarin, kana soo jeeda beesha Warsangeli ayaa beesha Isaaq si qorshaysan u afduubteen iyaga oo ay ka tahay daandaansi iyo inay khal khal siyaasadeed ka bilaabaan guud ahaan Waqooyiga Soomaaliya, si alshabaabka Koonfurta ka soo cararaya ay fursad ay buuraha Calmadow ku galaan u helaan,

Wiilkan oo sida aad hoos ku arki doontaan aabihiis ay horay u dileen maleeshiyadka ka amar qaata maamulka Hargaysa, ayaa waxa magaalada Bosaaso ka kaxeeyey markii aabihiis la dilay abtigiis oo ka soo jeeda Beesha Dhulbahante, wuxuuna kula noolaa magaalada Ceerigaabo, Waqti yar oo kooban ayuu Laascaanood aaday.

Maamulka SNM, iyaga oo umadda marin habaabinaya, oo ka dhigaya in Laascaanood ay Beesha Daarod isku dilayaan ayeey dilalkii Laascaanood ka dhacayey waxay u afduubteen Wiilkan yar, iyaga o leh isagaa dadaka laynayey 0ct, 2007 ilaa shalaysto.

Cunugan yar ee aan gaarin, si uu u qirto denbiyaddii Laascaanod ka dhacay waxa lagu sameeyey ciqaab xun, jir dil, ehel cay iyo Koronto lagu dhejiyey si ay ehelkiisu sheegeen

Allah ha u wada naxariistee , Waa dadkii ay laayeen Alshabaabka ay SNM tababarto oo wiilkan yari aabihiis ka mid yahay

Taliye ku xigenkii ciidanka Booliiska Puntland Gaashaanle sare Jaamac Saxardiid.

Taliyihii Saldhiga booliiska Biyo kulule ee magaalada Boosaso Axmed Xasan Xaaji Dhoonge Waxa lala dilay walaalihiis Axmed caalim iyo Cali Nirig, intuba waxay la dhasheen Cabdi Jamaal,. Waxa la dilay Cabdi Jamaal wiilkiisii., oo horay adeeradiis loo dilay.

Cabdi jamaal dhowr mar ayuu bad baaday, waxa kale oo la dilay Saalaxo Sool, Adan Jaamac Soolo, Waxa lala dilayCali diib Gurxan, Minjir Xuseen Gurxan, Faysal Cakaal, Ciga dheere, Bucurde Jaamac Gaab, naba doon Xasan Gurxan, fuaad Qoryood, Halab Axmed Jaamac.Intaas qof oo dhiigooda lagu daadiyey gobolka Bari, waxa dilay Alshabaab ka amar qaata maamulka Hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*