25th October 2024  admin  Category :

Lixdii bilood ee ugu horaysay dawladdii Xasan Culusoow 03 Mar 2013

RW Soomaaliya. maaha nin aanu isku Beel nahay ,laakiinse waa nin ii shaqeeya oo amarkayga ka hor iman, sidaa waxa yiri madaxweyne xasan Culusoow.

 

Hadalkiisu ma yahay madaxweyne qaran , mise waa nin doonaya inuu Soomaali iska hor keeno

“Aniga iyo Raisawasare Saacid  isku Beel ma nihin,  nin ka yimid 1000km ayaa doonaya in uu Kismaayo ka taliyo, Nin ay  dadka qaarkiis u yaqaaniin Mooryuaan “isaga oo madaxweynuhu ka hadlaya Yuusuf Indhocade ayuu sheegay in dadka qaarkiis uu u yahay geesi. “Someone’s looter/killer is another person’s hero.”

“Dad baa qaylinya oo cabaaadaya oo leh dhul iyo beeraa nala ka haystaa kuwaa waxaan leenahay iska ilaawa  oo hadii aad ku mashquushaan maanta berito ayaa idin dhaafi doonta , waana ka shalaaayi doontaan.”

Madaxweyne Xasan Culusoow isaga oo ka hadlaya maamul u samaynta Soomaaliya waxa uu sheegay ” in Bay iyo Hiiraan dadka u dhashay ay maamulo soo  samaystaan, laakiinse dadka ku nool Jubooyinka ay dawlada uu isagu madaxweynaha ka yahay ay u soo magcaabi doonto maamule ka taliya degaanadaas.

Madaxweynuhu isaga oo ku dheel dheelaya qodabka dastuurka ku qoran oo sheegaya in  labo gobol iyo wax ka badan ay  maamul samaystaan,  waxa  uu sheegay in labo qabiil iyo wax ka badan ayna maamul samaysan karin isaga oo maskaxda ku haya labada Beeleed oo wada dhashay  ee u badan Jubooyinka Kablalax Daarood iyo Sade Daarod.  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, shaqaalaha xafiiskiisa ka shaqeeya waxay ka soo wada jeedaan hal beel, oo ah beesha uu ka soo jeedo

Ugu danbayntii  Madaxweyne Xasan  Culusoow in  uu qabiilayste yahay,  oo aanu hadalku ka dhacin oo si cad u yiraahdo waxa uu ka hadlayo   waxa kuu cadaynaysa lixdii bilood uu xilka hayey wuxuu soo booqday  magaalooyinka Soomaaliya ugu nabad gelyada xun oo Ciidamo shisheeye joogaan sida Baladweyn iyo Bay ,halka Gobalaada ay degaan Beesha uu jihaadka kula jiro ee  Jubbada Hoose, jubbadda dhexe. Gedo, Mudug, Nugaal, Bari, sanaag iyo Sool uuna tuulo ka mid ah cagta soo dhigin, taasina waxay soo dedejinaysaa xilligii BulshadA goboladaasi  ay kla noqon lahayd kalsoonida inta aan Soomaliya  laga qaadin hubka cunaqabataynta  saaran oo Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Mooryaantiisu ay sugi l’ayihiin xilliga la qaadayo si ay halkii uga sii wadaan dagaalkii ay bilaabeen  1991.
Allsanaag.com, news@allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*