19th September 2024  admin  Category :

Dhulbahante iyo Warsangeli maaha afarta Caadaqaate ee la shaqaysta Isaaqland

Mashaariicdii ay Bulshaddu caalamku ugu talo galeen in laga hirgeliyo guud ahaan Waqooyiga Soomaaliya ee la soo mariyey Hargaysa ayaa guud ahaanba laga cunaqabateeyey degaanada ay degaan Beelaha Warsangeli Dhulbahante. Degaanadan la cunaqabateeye ayaa qaarkood maamulka Isaaqland ku abeereen argagixiso.

Magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxa degmo u magcaabay maamulkii Ingiriiska todobaatan sano ka hor, sidoo kale degmooyinka Badhan iyo Dhahar waxay ka mid ahaayeen degmooyinkii jiray bur burkii Soomaaliya ka hor ee Kacaankii magcaabay.

Maanta jiritaankooda Degmo waxa dagaal kula jira waa maamulka Hargaysa oo macno tiraya iyaga oo bar bar dhigaya Tuulooyinka Buuriga lagu iibiyo ee beesha Maamulka Isaaqland gaarka u leh ay degaan.

Degmada Borame ayaa ka dad badan degmooyinka Dhahar, Laasqoray iyo Badhan waa tirakoobka oo laga ben sheegayo iyo taariikho cusub oo la doonayo in la samaysto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*