18th October 2024  admin  Category :

Kahor inta aadan seexan, waxaad caadi ahaan hubisaa inaadan cunto ama weelal wasakh ah uga tegin miiska, si aysan usoo jiidan marti aan loo baahneyn sida jiirka.

Dadka qaar, aragtidiisa keliya ayay ku laqanyoodaan.

Magaalada New York ee dalka Mareykanka, tusaale ahaan, waxay dhowaan dadaallo cusub ku bixisay ‘dhibaatada doolliga’, ee ka jirta magaalada balse jiirku lagama necba dunida oo dhan.

Xaqiiqdii, meelaha qaar ee adduunka, jiirku waxaa looga arkaa cunto macaan oo la jecel yahay.

Sanad walba 7-da March, qabiilka la yiraahdo Adi ee ku nool xaafadda miyiga ah ee ku taalla buuraha waqooyi-bari Hindiya ayaa waxaa looga dabaaldegaa munaasabad lagu magacaabo ‘Yuning Aran’.

Waa munaasabad aan caadi ahayn oo hilibka jiirka lagu soo daro cuntada halkaasi lagu cunayo. Mid ka mid ah cuntada loogu jecel yahay xafladda Adi waa maraq lagu magacaabo bole block, kaaso ka sameysan caloosha, mindhicirka, beerka, seynta iyo lugaha jiirka oo la kariyay kadibna lagu daray cusbo, basbaas iyo sajabiil.

Dhammaanba noocyada jiirka ayaa aad looga cunaa halkan, haddii ay ahaan lahaayeen kuwa guryaha lagu arko iyo kuwa duurjoogta ah.

Seynta jiirka iyo cagaha ayaa gaar ahaan ay aad u ammaaneen marka la eego dhadhanka, sida uu qabo Viktor Bennomeyer Rocho oo ka tirsan Jaamacadda Oulu ee dalka Finland.

Wuxuu la hadlay dad badan oo ka tirsan qabiilka Adi mar uu dhowaan sameynayay baaritaan. Baaritaankooda wuuxu ku saleeyay in jiirka loo isticmaalo cunno ahaan.

Qabiilkan ayaa aad u cuna hilibka jiirka

“Hilibka jiirku waa kan ugu fiican”

Intii uu waday baaritaanka, ayaa wuxuu la kulmay dad kala duwan. Waxay dadku u sheegeen in hilibka jiirka uu yahay ‘kan ugu dhadhanka fiican’ ee ay ogyihiin.

‘Waxaa la ii sheegay inaysan xaflad iyo farxad jirin haddii uusan jirin hilibka jiirka, haddii la maamuusayo marti qaali ah ama qof qaraabada ah, munaasabad walboo gaar; waxay dhacdaa keliya marka uu miiska saara yahay hilibka jiirka.’

Keliya cunto ahaan uma cunaan, balse waxay sheegeen in sidoo kale ay haddiyad ahaan isu siiyaan.

Sidoo kale waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah sooryada. Marka ay qaraabada caruusadda ay u soo diraan guriga ninkeeda, haddiyadaha ay soo raaciyaan waxaa ka mid ah hilibka jiirka.

Hilibka jiirka waxaa lagu daraa cusbo iyo xawaaji

“Hilibkoodu wuu jilicsan yahay wuuna macaan yahay”

Markii dadkaas la weydiiyay dhadhanka hilibka, waxay ku jawaabeen, ‘Waa hilibkii ugu macaanaa ee aan cunno nolosheenna.’

‘Waa mid aad u jilicsan, aadna u macaan, maraqu aad ayuu u macaanaa,’ ayuu yiri Gates.

Gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Bihar, Gates wuxuu waqti kula qaatay qowmiyadda Dalit.

Dadkaan ayaa iyaguna cuna hilibka jiirka.

Nin Bangkok ku iibinaya hiibka jiirka

Grant Singleton oo ka tirsan machadka International Rice Research Institute ee dalka Filibiin ayaa sheegay in jiirka si maalinle ah looga cuno dalalka Cambodia, Laos, Myanmar, qeybo ka mid ah Filibiin, iyo Indonesia, Thailand, Ghana, Shiinaha iyo Vietnam

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*