19th September 2024  admin  Category :

‘Dadbaa cunaya cuntada eyga ee Kibble shumacna ku kululaysanaya cuntada’: Maxay tahay saboolnimada UK ka jirta?

Saboolnimada Ingiriiska ayaa dadka qaar ku kaliftay inay cunaan (Kibble) oo ah cunto bisadda iyo eyga la siiyo, halka kuwa kale ay shumac ku kululaystaan cuntada.

Cabashadan waxaa sameeyay Mark Seed, oo ah agaasimaha mashruuca quudinta bulshada ee Trowbridge, oo dhacda xarunta gobolka Wales ee Cardiff.

Falanqaynta BBC ee xogta tirakoobkii Britain ee 2021 ayaa muujinaysa in lix kamid ah bulshooyinka ugu saboolsan Wales, oo ah mid ka mid ah afarta qaran ee boqortooyada ingiriisku ka koobantahay, ay ku suganyihiin degmadaas.

Hase ahaatee, Hay’adaha ayaa ka digay in qoysaska tabaalaysan aysan ku noolayn oo kali ah meelaha awal lala xiriirin jiray saboolnimada waxayna ku talinayaan in siyaasadaha aan diiradda lagu saarin oo kali ah deegaanada ee dadka loo jiheeyo.

Xaaladda ka taagan Cardiff ayaa ka turjumaysa nolosha adag ee qaar badan oo ka mid ah dadka ku dhaqan UK ay wajahayaan, sicir bararka cirka iskusii shareeraya awgii.

War bixinno sida tan Seed oo kale ah ayaa intaa ku daraya qaar badano o kale, oo ah muwaadiniinta dalka kaga nool meela badano oo kala duwan.

haweenay furaysa boorsada qadaadiicda

sida lagasoo xigtay daraasaddii ugu dambeysay ee ay samaysay (which?)  ee ku saabsanayd qoysaska sida ugu daran uu u saameeyay sicir bararka wadanku, Ayaa sheegaysa in ku dhawaad saddex meelood, meel kamid ah hooyooyinka iyo aabayaasha kaligood koriya caruurta ay ka tanaasulaan cunnada hal waqti, si ay u noolaadaan.

“Qoysaska UK ayaa tabaalaysan, maciishadda dalka oo kor u kacaday awgeed, iyada oo waalidka kaligood caruurta koriya ay sida ugu daran u saamaysay,” ayey triri Rocío Concha oo ah agaasimaha siyaasadda iyo udoodidda ee (Which?) waxayna u sheegatay majaladda wararka ingiriiska ee The Guardian.

‘Poverty Arc`

Trowbridge waxay ku fadhidaa waxa uu Seed ugu yeeray ‘Poverty Arc’ oo ah halbeeg loo adeegsado khariiradda deegaanada iyo heerkooda saboolnimo.

Mark Seed

“Waxaan ilaa hadda la tacajubsanahay dadka cunaya Kibble” ayuu yiri Seed

“Waxaa jira dad isku dayey inay cuntada ku kululaystaan raadhiyetar ama shumac. Waa sheekooyin run ah oo yaab leh” ayuu kusii daray.

“Cardiff waa magaalo qani ah, balse waxay leedahay dulduleello saboolnimo oo aan la aqbali karin,” ayuu yiri seed oo soo wariyey in aanay dadku shaqaysanin lacag ku filan inay iskaga bixiyaan waxyaabaha aas’aasiga ah.

Sicir bararku wuu uga sii daray xaaladda oo kali ah.

“Dadku waxay noo sheegeen inay shaqeeyaan dhamaan saacadaha ay shaqayn kareen” ayuu sharaxay.

Pantari-ga uu mamulo Seed ayaa 160 qof ku siiya qiimo jaban cunto tayo fiican leh .

Lamaane waayeel ah oo dukaan cunto ka adeeganaya

Mid ka mid ahi waa Elizabeth Williams oo 54 jir ah, Taas oo sheegaty in mashruucani uu “isbeddal wayn keenay” dadkana uu isu keenayo, balse waxay sheegatay in xaaladeedu ay aad u liidato.

“Badanaa waxaan isku dayaa in aanan qarash ku bixinin dib u habaynta alaabta guriga,” ayey tiri.

Ayada iyo lamanaheeda midna ma shaqeeyo, halka wiilkooda oo ayaga la nool uu shaqeeyo saacado aad u badan.

“Xataa iyada oo wiilkaygu uu shaqaynayo waxna soo kordhinayo, hadan xaaladdu aad ayey u adagtahay, waayo waa inuu asna noolaado wuxuuna leeyahay baahiyihiisa gaarka ah. Waxuu qabaa dhibaatooyin dhowr ah wuxuuna sugayaa qaliin”, ayey tiri.

Nin darbi jiif ah oo tuugsanaya

Tobanaan sano, galbeedka Wales iyo gobolka Valleys ayaa ka helayey maal galin dheeraad ah Midowga Yurub (EU) maadama ay kamid ahaayeen meelaha ugu saboolsan Yurub, balse Cardiff kamid ma ahayn wayo, marka loo eego nolosha celcelis ahaan heerka saboolnimada, looma arkaynin magaalo sabool ah.

Victoria Winckler, oo ah agaasimaha NGO-ga Welsh ee Bevan Foundation, ayaa ka digaysa khatarta ay leedahay ku calaamadinta saboolnimo ama qaninimo ee magaalooyinka

“Fikirka qaldan ayaa ah in Cardiff ay tahay qani Valleys ay tahay sabool, balse xogtu waxay muujinaysa ina aanay xaqiiqdu sidaas ahayn,” ayey tiri

“way jiraan meelo Cardiff ka tirsan oo qani ah, haa, balse waxaa jira meelo badano o dadku aanay nolo fiican ku haysan Cardiff dhexdeeda,” ayey kusii dartay.

laba qof oo isu dhiibaya nus darsin ukun ah

Qoysaska waalid kaliyaalaha ah iyo dadka hawl gabay waxay u qoondeeyaan cunto, koronto iyo gaas ku dhawaad 30% wixii soo galay.Lamaanayaasha caruurta haysta wax yar ayey hoos u dhacaysaa tiradani oo ah 25% sida lagasoo xigtay qiimayn rasmi ah.

Hase ahaatee, dhamaan qoysasku waxay ku bixiyaan aas’aasiga wax ka badan sanadkii hore.

Haweenay 40 jir ah waxay u sheegatay wareysteyaasha in, qiimaha biilasheeda awgii in isbuucyada qaar inay xataa quudin kari wayday caruurteeda.

Qof kale ayaa intaas ku daray ‘‘ cunta fiican ma cuno si aan caruurtayda u quudiyo dharna ugu gado waliba wax korontada ku bixiyana iigasoo hadhaan.”

Sida laga soo xigtay xogta ay daaha ka qaaday toddobaadkan Isbahaysiga Warshadaha Ingiriiska, dhaqaalaha UK wuxuu ku socdaa hoos u dhac 0.4% ah sanadka soo socda sababtoo ah sicir bararka iyo cabsida laga qabo maal gashiga shirkadaha waaweyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*