21st September 2024  admin  Category :

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ข๐—ผ ๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ ๐—ž๐˜‚ ๐—ค๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ก๐—ผ๐—ฟ๐˜„๐—ฎ๐˜†

Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim.

Kulanka Raโ€™iisul Wasaare Xamse iyo wasiir Anne Beathe Tvinnereim ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha uga mahad celisay qaabilaadda, iyada oo intaa sheegtay in dowladda Norway ay ka goโ€™antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Norway uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*