22nd September 2024  admin  Category :

Maxay tahay diyaaradda nukliyeerka xambaarta uu Mareykanka soo saaray ee aan la arke

Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa soo bandhigay diyaarad cusub oo ah kuwa xambaarah Nukliyeerka ah oo lagu magacaabo B-21, taasi oo si tartiib tartiib ah u bedeli doonta diyaaradii ugu horeeyay ee la duuliyay dagaalkii qaboobaa.

Bamkii ugu horreeyay ee muddo 30 sano ah ayaa midkiiba ku kacaya ku dhawaad ​​$700 malyan oo doolar wuxuuna qaadi karaa hubka Nukliyeerka iyo kuwa caadiga ah.

Sida la filayo, faahfaahinta gaarka ah ee diyaaradda ayaa ah mid qarsoodi ah.

Laakin Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in tallaabadani “ay ka marag kacayso faa’iidooyinka sii waaraya ee Ameerika ee dhanka hal-abuurka”.

Diyaaradda B-21 ayaa lagu soo bandhigay xaflad Jimcihii lagu qabtay xarunta Northrop Grumman ee California.

Mr Austin ayaa sheegay in diyaaraddu ay horumar weyn ka sameyn doonto duqeymaha hadda jira ee duullaanka Mareykanka ah, isagoo sheegay in “xitaa nidaamyada difaaca hawada ugu casrisan ay ku adkaan doonto in la ogaado B-21 ay hawada ku jirto “.

“Konton sano oo horumar ah dhanka tignoolajiyada aan ogaan karin karin ayaa galay diyaaraddan,” ayuu yiri.

B-21

Waxa uu intaa ku daray in diyaaradda sidoo kale lagu dhisay habka “open system architecture”, kaas oo u oggolaanaya in lagu daro “hubka cusub ee aan xitaa weli la ikhtiraacin”.

 Inkastoo aan la sheegin suurtagalnimada ah in diyaaradda ay tahay mid aan cidna wadin iyo Inkale intii ay socotay xafladda, haddana afhayeen u hadashay ciidamada cirka Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradda “ay diyaar u tahay suurtagalnimadaas, balse ma jiro go’aan lagu duuli karo shaqaale la’aan”.

Duulimaadka ugu horreeya ee B-21 ayaa la filayaa inuu dhaco sanadka soo socda.

Waxay ugu dambeyntii bedeli doontaa noocyada B-1 iyo B-2 waxaana lagu qiyaasay inay ku kacayso $ 203bn oo doolar si loo horumariyo, sida laga soo xigtay Bloomberg.

Lix diyaaradood ayaa hadda farsamada ku jira, isaga oo intaa ku daray in ay muujin doonaan “jiilka soo socda ee qarsoodiga ah” iyo in ay isticmaalayaan “farsamo cusub iyo qalab wax soo saar oo aan la cayimin”.

Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa qorsheynaya inay helaan ugu yaraan 100 ka mid ah diyaaradaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*