22nd September 2024  admin  Category :

MADAXWEYNAHA OO DAAH-FURAY BANKIGA IBS XARUNTIISA GAROOWE

Garoowe: 01 December 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa daah-furay Bangiga IBS xaruntiisa Garoowe, oo si rasmi ah u shaqo bilowday maanta.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay adeega casriga ah ee Bangigu kusoo kordhiyay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuu la wadaagay Bulshada in Dowladdu mihiimad gaar ah siisay maalgashiga iyo Sidii loo diyaarin laha jawi maalgashi oo ay kusoo dhiiradaan Ganacsatadu.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Bangiga IBS, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

May be an image of 10 people, people standing, people sitting and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*