8th October 2024  admin  Category :

Afar qof oo isku qoys ah ayaa aano qabiil xalay loogu dilay tuulada Xaluula oo ka tirsan degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Afarta qof ee la dilay waxaa ka mid ah Safiyo Sheekh Abuukar iyo Abuukar Iidow oo walaalo ah iyo ayeeydood Sangaabo Maxamuud Xuseen, qoyskaas oo ka mid ahaa jamaacada Sheekh Cabdiraxmaan Celi.

Ciidamada amniga ee gobolka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ujeeddada dilkan, hase yeeshee mid ka mid ah ehelada dadka la dilay ayaa VOA u sheegay in la tuhmayo aano qabiil.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii la soo afjaray dagaal beeleed khasaare xooggan sababay oo todobaadyadii la soo dhaafay ka socday degaanno hoos taga degmada Cadale, kaasoo ugu danbeyn laga soo saaray baaq nabadeed oo uu taageeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Baaqa nabadeed oo loogu yeeray Baaqa Cadale ayay soo saareen odayaasha dhaqanka, culumada iyo qeybaha bulshada kaas oo adkeynaya heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Sheekh Daa’uud Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Celi waxaa uu ka mid yahay culimada degaanka iyo ehellada qaar ka mid ah dadka goobta lagu dilay. Wariyaha VOA ee Baledweyne Xuseen Xasan Dhaqane ayuu uga waramaya sida wax u dhaceen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*