9th October 2024  admin  Category :

RW Xamse oo booqday dekedaha kala duwan ee Dowladda Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta is-gaarsiinta dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay.

Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee lagu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale maanta booqday dekedaha kala duwan ee Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay dekedaha kala duwan, iyada oo la tusiyay qeybaha ay ka kooban yihiin iyo saldhigga ay ka baxaan tareenada qaada badeecadaha ka soo dega dekeddaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*