19th September 2024  admin  Category :

Madaxweyne Mustafe Cumar: “Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay waxaa la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay”

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Juweria Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Deegaanka isla markaana aheyd xubin kamid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo.

Waxaa uu sidookale sheegay in xannuunka la qeybsanayo dadkii dhaawacmay.

“Waxaa la aasaasay guddi heer deegaan ah oo qabanqaabinaya aaska marxuumadda. Waxaa kale oo si buuxda gacanta loogu hayaa in dadkii dhaawacmay ay helaan gargaar caafimaad heer walba oo ay u baahdaan”, ayuu qoraal ku yiri madaxweynaha.

Waxaa uu sidookale shegay in askarigii dilka geystay uu mudan doono ciqaab.

“Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay. Hay’adaha amniga ayaa wada baadhitaan ku saabsan sida iyo sababta wax u dhaceen taas oo shacabka lala wadaagi doono. Waxaa kale oo muhiim ah in laga arinsado sidii looga hor tagi lahaa in falal noocan ah ay dib u dhacaan inkasta oo wax kasta aan la baajin karin”, ayuu intaas raaciyay madaxweynuhu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*