11th October 2024  admin  Category :

Masuuliyiinta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Xildhibaanada Degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl ku soo dhaweeyey xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Xildhibaanada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Wasaaradda oo ay ka midyihiin keydka macluumaadka Wasaaradda, qaybta siyaasadaha, sharciyada iyo qorshayaasha Dawladda Puntland iyo xogta dadka barakacayaasha, Qaxootiga, tahriibayaasha iyo magangalyo doonka oo lagu tusay hab jaantus ah.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa booqday Xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, Xafiiska Agaasimaha Guud iyo Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland.

Intaas ka dib waxaa halkaas kula hadlay Xildhibaanada 3 Degmo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf isaga oo la wadaagay sida ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha uga go’an tahay tayeynta iyo tababarida Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland si loo gaaro horumar dhan walba ah.

May be an image of 15 people and people standing

May be an image of ‎12 people, people standing, headscarf and ‎text that says '‎DOWLADDA PUNTLAD SOOMAALIYEED ARRIMAHA FEDERAALKAIYO DIMUQURAADIYEYNTA አንደ الشؤون ،الداخلية وزارة اطية والديمقر الفيدرالية XARUNTA DHEXE EADQUAR WASAARADDA ARRIMAHA GUDDAHA FEDERAALKA IYO MQIDDP FINISTRY AFFAIRS PUNTLAND‎'‎‎

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*