11th October 2024  admin  Category :

Funannadii MJ xiran jiray ayaa lagu iibiyay lacag dhan $10.1 oo doolar.

Funaanad uu xirtay halyeygii kubbadda koleyga ee Michael Jordan intii lagu guda jiray ciyaartii furitaanka ee 1998-dii ee NBA Finals ayaa lagu iibiyay lacag dhan $10.1 oo doolar.

Tani waa qiimihi ugu badnaa ee funaanad isboorti ah lagu iibiyo inta la ogyahay taariikhda.

Aqalka xaraashka ee Sotheby’s wuxuu leeyahay funaanadda waxay soo jiidatay farshaxaniisteyaal badan iyo taageerayaasha isboortiga ee aruuriya xusuusaha.

Waxay ahayd mid xasuusinaysa xilli ciyaareed lagu xusay dokumentiga Netflix ee The Dance Dance – kaasoo oo Jordan oo ku guuleystay horyaalkiisii ​​lixaad iyo kii ugu dambeeyay ee NBA.

Khamiistii, shirkadda Sotheby’s waxay sheegtay in funaanadda Jordan ee Chicago Bulls ay soo jiidatay wadar ahaan 20 dalab.

Madaxa Sotheby, Brahm Wachter, ayaa sheegay in tartamayaashii doonayay inay iibsadaan funaanadda “ay u hamuun qabeen inay yeeshaan taariikh naadir ah”.

“Natiijada rikoorka jabinta ee maanta… waxay adkeyneysaa Michael Jordan inuu yahay laacib aan muran ka taagneyn taas oo cadeynaysa in magaciisa uu weli weli yahay siidii uu ahaa ku dhawaad ​​25 sano ka hor,” Wachter ayaa sidaasi yiri.

Funaanadda ayaa ka sare martay rikoorkii hore oo ahaa 9.28 milyan oo lagu iibsaday funaanad maaliyad oo uu xirtay xiddigii kubbadda cagta Diego Maradona koobkii adduunka ee 1986-dii.

Waxaa sidoo kale funaanadda lala xaraashay majalad isboorti ah oo la daabacay bishii June 1998-dii kaas oo uu booggiisa saarnaa sawirka Jordan.

Jornaalka

Jordan ayaa dad badan u arkaan inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda kubadda koleyga. Waxa uu inta badan xirfadiisa ku qaatay naadiga Chicago Bulls, waxa uu noqday halyey caalami ah oo waxa uu gacan ka gaystay kor u qaadista sumcadda NBA-da adduunka oo dhan.

Inkastoo Chicago Bulls laga badiyay kulankii furitaanka ee NBA Finals oo ay la ciyaareen Utah Jazz, hadana waxay badisay seddexdii kulan ee xigay. Kadib Utah Jazz ayaa ciyaarta ku xigtay laba dhibcood ku qaadatay.

Ciyaartii lixaad, Jordan ayaa Bulls guul u horseeday isagoo iyadoo 5.2 ilbiriqsi kaliya ay ka harsan tahay saacada ayuu ciyaarta ka dhigay 87-86, wuxuuna xaqiijiyay horyaalkiisii ​​​​ugu dambeeyay ee NBA.

DIB U Soo laabashadan ee magiciisa ayaa waxaa aad ugu farxay taageereyaasha kubbadda koleyga ee adduunka.

Jordan ayaa si lama filaan ah uga fariistay kubbadda koleyga bishii Oktoobar ee sannadkii 1993, ka dib dilkii aabihiis ee North Carolina.

Xiddiggu waxa uu ku guulaystay todobo koob oo loo siiyay inuu ahaa qofkii ugu gool dhalinta badnaa  waxana uu ku hogaamiyay Chicago Bulls saddex horyaal oo toos ah.

Jordan, oo hadda da’diisu tahay 59 jir, ayaa kabihiisa xirtay markii ugu dambeysay 2003-dii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*