11th October 2024  admin  Category :

Xogahayah Arimaha Dibadda ee Britain Liz Truss ayaa loo doortay inay noqoto Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaasi, iyada oo sidoo kale noqotay hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka ee Conservative.

Truss ayaa ka adkaatay wasiirka maaliyadda Rishi Sunak kadib dhowr wareeg oo doorasho oo ay galeen musharrixiin kala duwan.

Liz Truss ayaa beddeli doonta Boris Johnson oo xilkaasi iska casilay bishii July kaidb fadeexooyin la xiriira sidii uu u maamulay xayiraadaha lasoo rogay xilligii cudurka Covid-19 uu heerka ugu sarreeya marayey dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*