11th October 2024  admin  Category :

Hiiraan: “Dad musaafur ah ayay Shabaabku ku gubeen gawaaridii ay saarnaayee

Ugu yaraan labaatan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay gobolka Hiiraan xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay ururka Al-Shabaab inuu dadkaas xasuuqay, kadib markii beelaha deegaanka ay billaabeen iska caabbin ka dhan ah ururkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dadka ay laayeen ay ahaayeen maleeshiyaadka macawisleyda loo yaqaanno oo todobaadyadii u dambeeyey duullaanno ku qaaday farriisimo ay ku suganyihiin dagaallamayaasha Al-Shabaab.

Weerarka sida uu u dhacay?

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen wuxuu sheegay Al-Shabaab iney laayeen dad rayad ah oo safar ku jiray gaadiidkii ay wateenna gubay.

“Baabuur dad shacab ah ay saaran yihiin ayey meel dhexe oo la yiraahdo afar-iridood ay si gaadma ah ku soo galeen baabuurtina waa gubeen dadkii saarnaana way dileen,” ayuu yri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyuhu wuxuu intaa raaciyey dadka la laayey iney ahaayeen dad shacab ah oo haween iyo carruur u badan oo safar ku jiray dhimashadana ay 20 kor u dhaafeyso.

“Tira sugan ma hayo 27 qof oo dhimasha ah ayuu warkii ugu dambeeyey noqday, qaar baa dhaawac lagu hayaa iyo qaar markii xabadda lagu billaabay ka cararay intaba wey isugu jiraan,” ayuu yiri Jeyte. 

Jeyte mar uu ka hadlayey weerarkaasi waxa uu salka ku hayo wuxuu sheegay iney xiriir la leedahay qabaa’ilkii la dagaallamayey Al-Shabaab.

“Arrinta ay salka ku hayso ayaa waxay tahay dadka shacabka ah ayey gumaadayaan, nuxurkana waxaa uu yahay nimanka la yiraahdo Shabaab waxay laynayaan shacabka, shacabkana ayaga ayuu dagaal kula jiraa oo shabaab waa kuwa ceelasha ka gubay, tuulooyinka ka gubay, oo leynta kula jiro,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Baladweyne
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan

Wuxuuna Cali Jeyte sheegay iney xaqiijinayaan weerarkaasi waxa geystay inuu yahay Al-Shabaab weliba ay dadku miino ku xireen oo ay qarxiyeen.

“Al-Shabaab waaye xataa waxay ku xireen miino ayada oo dadku uu baabuurka uu saarnaa ay saaran yihiin ayey miino ku xireen oo ku qarxiyeen, ilmo iyo carruur gaari Noha ah saaran ayey ku qrxiyeen macal baabuurkii,” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Wuxuuna guddoomiyuhu sheegay inuu wacad ku marayo inuu shacabka ay laayeen Al-Shabaab uu u soo aarayo uuna Al-Shabaab ugu tagayo deegaannada ay joogaan.

“Aniguna waxaan wacad ku marayaa, oon wacad ilaaheey ku marayaa hadduu Alle idmo inaan ka jawaabo arrinka ay ku sameeyeen dadka shacabka ah in aan deegaannada ay joogaan shabaab ugu tago uguna aar gudo waxa ay dadka shacabka ah ku sameynayaan jawaabta ku habboonna aan ka bixiyo,” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaa, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Al-shabaab maxay ka tiri?

Al shabaab, oo ka hadlay dadka maanta lagu laayey gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney halkaasi ku dileen maleeshiyaad ka tirsan Macawiisleeyda.

Waxey intaa ku dareen Al Shabaab, iney sidoo kale gubeen gawaari ka baxday magaalada Baladweyne, oo sida ay sheegeen u wadday sahay iyo saanad ciidan maleeshiyaadka Macawiisleyda.

“Inta la xaqiijiyay 20 kamid ah maleeshiyadii Macawiislayda iyo xubnihii gurmadka u waday ayaa goobta lagu dilay, waxaa sidoo kale la gubay 8 kamid ah gaadiidkii ay wateen, halka qaar kamid ah gaadiidkiina ay gacanta u galeen ciidamada Al-Shabaab,” ayey yirahdeen Al-Shabaab sida lagu sheegay warbaahinta afkooda ku hadasha.

Dadka deegaanka maxay sheegeen?

Hase yeeshee, dadka deegaanka uu weerarkaasi ka dhacay oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in Shabaab ay laayeen dad rayid ah meydadkiina la aasayo dad kalana ay afduub ku kaxeysteen.

“Dadkaasi waa la qabtay waa la xiray wax waa la gowracay waxna rasaas ayaa lagu laayey dad iska masaakiin ah oo meelaha ay iyagu joogaan iska jooga ayey ahaayeen, dadka waaweyn iyo dadka yaryar ee aan meydadkooda qaadnay isu geyn 40 iyo xogaha ayaan haynaa ilaa dhowr iyo toban qofna iney kaxeysteen oo ay geeyeen meel la yiraahdo baar-dhabaq,” ayuu yiri Oday Maxamed Cumar Cabdi oo ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay BBC.

Wuxuuna beeniyey hadalka ay Al-Shabab ku sheegeen dadka inay dileen iney ahaayeen macwiisleey, oo waxa la dilay oo dhan ay yihiin dad shacab ah.

“Macwiisleeyda aagag ayey deggan tahay, meelaha ay deggan yihiinna waa la ogyahay meel ka mid ahna wax kuma dilin marka macwiisleey iyo askar iyo waxaas waxaa looga dan leeyahay maahane waa wixii nool oo aan naga mid eheyn waan dileynaa, noolosha bani’aadamka ayey la dirirayaan,” ayuu yiri  Oday Maxamed Cumar Cabdi.

Astaanta DFS

Dowladda maxay ka tiri weerarkaasi?

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay weererkana waxa ay sheegtay iney aad uga xuntahay ‘weerarka wuxuushnimada’ oo ay ku sheegtay in kooxaha ‘Argagixisada ah’ ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaan ayey dowladda Soomaaliya sheegtay inuu muujinayo cadowtinimada kooxda ay ku sheegtay nabad-diidka ah ee Al shabaab iyo in aanay dadka Soomaaliyeed u tureen, waxa kale oo uu hoosta ka xariiqday xanuunka ka gaaray dagaalladii wadajirka ahaa ee ay la galeen bulshada deegaanka oo kaashanaya dowladdooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay garab taagan tahay dadka deegaanka ee is abaabulay una taagan iska kor qaadidda kooxahaan ay sheegtay iney cadow ku yihiin jiritaanka dadka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay iyada oo kaashanaysa dadka deegaanka ka bixin doontaa jawaab u dhiginta.  

Ra’isal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo toddobaadkii hore booqday magaalada Beledweyne wuxuu dhiirrageliyey shacabka iisu abaabulay la dagaallanka ee kaashanaya ciidamada dowladda.

Hadalhaynta dagaallada Al-Shabaab ee Hiiraan

Alshabaab ayaa waayadan dambe hawlgallo ka waday gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Toddobaadkii hore, ayey weerareen Al-Shabaab tuulooyin katirsan Galgaduud iyo Mudug.

Weeraradii ugu dambeyay ee ay ururka Al-shabaab ka gaysteen deegaanno ka tirsan goballada Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa la sheegay inay ku burburiyeen ceelasha biyaha iyo xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta.

Arrintaas ayey qaar kamid ah khubarada falanqeeya arrimaha ammaanka ee Soomaaliya, ayaa waxay ku tilmaameen inay tahay cadaadis ay Al-Shabaab saarayaan dadka deegaannadaas si dantooda u gaaraan.

Dhacdooyinkaana ayaa waxay kusoo beegmayaan xilli ay jirto abaar kulul oo ay adag tahay in biyo la helo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*