19th September 2024  admin  Category :

Hadal uu Macron ka jeediyay dal Muslim ah oo ka careysiiyay Turkiga

Turkiga ayaa si kulul u weeraray waxa uu ku tilmaamay hadallada “aan la aqbali karin” ee madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ka sheegay Aljeeriya.

Macron ayaa dhallinyarada ugu baaqay inay ka fogaadaan quwadaha shisheeye ee faafinaya dacaayadaha ka dhanka ah Faransiiska ee ku aaddan Afrika.

Booqasho uu ku tagay dalka Aljeeriya oo ka mid ah dalalka uu horey Faransiiska u gumeysan jiray, taas oo uu ujeedkeedu ahaa in lagu hagaajiyo xiriirka murugsan, ayaa Jimcihii u muuqday inuu uga digayo dhallinyarada Aljeeriya iyo Afrikaanka marin habaabinta “shabakadaha” ay saameeyaan Turkiga, Ruushka iyo Shiinaha kuwaas oo sheegay in Faransiiska uu yahay “cadowgooda”.

“Waxaa jirta marin habaabin aad u weyn,” ayuu Macron u sheegay suxufiyiinta.

“In badan oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa siyaasadda Islaamka waxay leeyihiin cadaw, waana  Faransiiska: Qaar badan oo ka mid ah shabakadaha Turkiga, Ruushka iyo Shiinaha ayaa si qarsoodi ah u riixaya mabda’aas marin habaabinta ah,” ayuu yiri Macron.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, oo la yiraahdo Tanju Bilgic, ayaa si kulul u weeraray hoggaamiyaha Faransiiska waxa uuna hadalkiisa ku tilmaamay “nasiib darro aad u weyn”.

“Waa wax aan la aqbali karin in Macron, oo ay ku adag tahay inuu wajiga siiyo dalalkii ​​Afrika ee uu gumeystay, gaar ahaan Aljeeriya, uu isku dayo inuu ka takhaluso tacaddiyada gumeysigiisii ​​​​hore isagoo eedeymo u jeediyay dalal kale oo uu ku jiro dalkeenna,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga.

“Waxaan rajeyneynaa in Faransiisku uu gaaro heerka siyaasadaha qaan-gaarka ah si uu u wajaho dalalkii uu horey u gumeystay isagoon eedayneynin dalal kale oo uu ku jiro dalkeenna.”

Booqashada Macron ee saddexda maalmood qaadatay ee toddobaadkan uu ku tagay Aljeeriya ayaa ujeeddadeedu ahayd in la dajiyo xiisadda bilihii la soo dhaafay ka jirtay dalkan ku yaalla Waqooyiga Afrika, kaasoo horraantii sanadkan xusayay  sannad guuradii ka soo wareegatay markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska oo xukumayay muddo 132 sanadood ah.

Booqashada Macron ayaa imaaneysa iyadoo quwadaha Yurub ay u xusul duubayaan sidii ay u bedeli lahaayeen tamarta Ruushka laga keeno ka dib duulaankii Ukraine, waxaana diiradda u saaran dalal ay Aljeeriya ku jirto oo ah dalka dhoofiya gaaska ugu badan Afrika.

Ma ahan markii ugu horreysay ee ay Turkiga iyo Faransiiska is khilaafaan oo dhowr jeer ayay I khilaafeen.

Macron

Waxaa ka mid ahayd mar Faransiiska uu wadatashi ugu yeeray safiirkiisii u fadhiya Turkiga, kadib markii uu Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan hadallo xanaf leh ku weerarray dhiggiisa Emmanuel Macron.

Erdogan oo markaasi la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa sheegay in Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Faransiiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee waddankiisa.

Madaxweyne Macron oo markaasi ka falcelinayay dilka nin macallin taariikhda ahaa oo qoorta laga jaray kadib markii uu soo bandhigay sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH, ayaa wacad ku maray in dalkiisa uusan joojin doonin sawirrada noocaasi ah.

Muslimiinta Faransa ayaa ah kuwa ugu badan Yurub, isla markaana gaaraya 10% tirada shacabka dalkaas. Qaar kamid ah Muslimiintaas ayaa ku eedeeyay Macron inuu geeska gelinayo diintooda, hadalladiisana ay qiil siin karaan kuwa Islaamka neceb.

Xiisadda labada waddan ayaa meel adag gaartay, waxaana Turkiga uu taageeray in la qaadaco alaabaha Faransiiska lagu sameeyo, arintaasi oo ka billaabatay qeybo kamid ah Bariga Dhexe.

Labada hogaamiye ee dalalkoodu ay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO ayaa mudooyinkii dambe isku hayay arimo ay kamid yihiin colaadaha Suuriya, Liibiya iyo Nagorno- Karabakh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*