25th October 2024  admin  Category :

Taliban: Waan waynay meydka Ayman Al-Zawahiri

Daalibaan ayaa sheegtay in aanay helin meydka hoggaamiyahii Al-Qaacida oo dhimashadiisa ay xaqiijiyeen Mareykanka bishii hore.

Afhayeen u hadlay kooxdan maamusha dalka Afghanistan, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in ilaa hadda aan meelna lagu sheegin meydka Ayman Al-Zawahiri.

Xukuumadda Washington ayaa bishii July sheegtay in ay dileen Al-Zawahiri kaddib markii lala beegsaday gantaal ay soo ridday diyaarad uusan duuliye saarnayn, xilli uu taagnaa meel balkoon ah oo ku taallay halka uu ku dhuumanayey.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dilkiisa uu ahaa dharbaaxadii ugu weyneyd ee ku dhacda Al-Qaacida tan markii ciiidaanka badda ee Mareykanka ay dileen Usaama Bin Laden, mudo haatan laga joogo toban sano.

Laakiin mas’uuliyiinta Taliban ayaa sheegay in ay sirdoonka ka codsadeen xog, baaritaankii la sameeyayna lagu waayay wax raad ah oo muujinaya geerida Zawahiri ama meydkiisa.

Taliban ayaa markii hore dafiray in ay ogaayeen halka Zawahiri ka joogay waddankooda, markii Washingtn ay shaacisay dilkiisana waxay sheegeen in aysan ka warqabin dilka.

Weli waxaa socda baaritaan, sida uu sheegay afhayeenka Taliban.

Hoggaamiyeyaasha Taliban ayaa uga digay Mreykankain ay mar kale ku kacaan weerar kan la mid ah, iyagoo sheegay in Mareykanku arki dooonaan cawaaqibka ka dhasha arrintan haddii mar kale ay ku soo xadgudbaan dhulka Afghanistan.

Sidee loo dilay Al-Zawahiri?

Waxaa la sheegaa in Al Zawahiri uu dibedda u soo bixi jiray oo barandada guriga istaagi jiray marka, inta bandanna uu waqtigiisa ku qaadan jiray gurigiisa oo ku yaallay bartamaha magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan. Subax kasta marka uu waagu baryo ayuu bannaanka ku qaadan jiray hawada.

Zawahiri

Waxay ku soo beegantay maalintii uu dambeysay ee sidaas sameeyo  iyadoo markii saacaddu aheyd 6:18 xilliga salaadda subax labo gantaal ay ku habsadeen halkii uu taagnaa, waxaana duqeyntaas lagu dilay Al Zawahiri oo 71 jir ahaa, iyadoo aysan wax dhibaato ah soo gaarin xaaskiisa iyo gabadhiisa oo gudaha ku jiray.

Waxay u ekeyd in dhammaan waxyeelada uu qaraxu keenay ay ku koobneyd balakoonka guriga ee uu taagnaa hoggaamiyaha Al-Qaacida.

Dadka qaar ayaa aad ula yaabay sababta Mareykanku ay awood ugu heleen in ay qaadaan weerarkaas oo ay weliba bartilmaameedkii ula heleen ka dib markii ay hore ula kulmeen dhaliilo ku aaddan in duqeymahooda qaarkood ay la waayayeen bartilmaameedka gaarka ah,  taas oo keeni jirtay in dad rayid ah ay waxyeello soo gaarto.

Usaama iyo Zawahiri

Arrintan wey ka duwaneyd kuwii hore, sida gantaalka la isticmalay iyo sidoo kale sida taxadarka leh ee loo darsay dabeecadaha Al Zawahiri, taas oo sabab u aheyd in duqeyntan ay hirgasho.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in gantaalka drone-ka laga riday uu noqday mid muhiim u ah howlagallada la dagaallanka argagixisada  ee diabedda laga fuliyey tobaneeyadii sano ee la soo dhaafay, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dhaceen weerarradii 11-kii Septembet, 2001.

Gantaalaha ayaa laga ridi karaa qalab kala duwan sida Helikobterada, baabuurta, maraakiibta iyo in lagu xiro garbaha diyaaradaha ama diyaarad drone ah oo uusan duuliye saarnayn, sida dhacday weerarkii lagu dilay Al Zawahiri.

Al Qaeda weli kama hadlin cida beddeleysa hogaamiyahooda la dilay.

Magacyada dadka la soo jediyey in ay hoggaanka qabtaan waxay u badan yihiin kuwo u dhashay dalka Suuriya, sida Abuu Maria -Al Qahtani,  oo ka  tirsan Jabhadda Hayat Al-Shaaam. Waxaa soo raaca Jihaadisteyaal kale oo ay ku jiraan Ku xigeenkii Al Zawahiri, Saif al-Adl, iyo sarkaal Al-Qaacida u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta, Rahman al-Mughrabi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*