11th October 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Iimaan iyo Madaxa Hay’adda Save the Children ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Maxamed Xassan oo booqasho ku jooga Garoowe.

Madaxweynaha iyo Madaxda Hay’addaha Care International iyo Save the Children, ayaa kawada hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee hay’addahaasi ka wadaan Puntland sida Waxbarashada, Caafimaadka, doorkooda ku aadan gurmadka abaaraha iyo xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Dowladda Puntland iyo Hay’adda Save the children iyo Care International.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Xassan, Madaxda Labadan Hay’adood ee heer Puntland, la-taliyeyaal Mdaxweyne iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

May be an image of 8 people and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*