27th November 2024 admin Category :
Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Fu’aad Shongole waxa uu ahaa madaxa dacaayadda ee al-Shabaab, sida uu sheegay jeneraalka Itoobiya.
Horey, Maraykanku wuxuu madaixiisa dul dhigay 5 milyan oo doolar oo qofkii keena ciddii keenta xog horseeda in la soo qabto lacagtaasi lagu abaal-marinayo.
Janaraal Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in la la dilay 3 horjooge oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha Alshabab iyo 3 kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Ethiopian News Agency.XAYEYSIIN
Janaraal Tesfaye ayaa sidoo kale sheegay iny burburiyeen keydadkii hubka ee ay kooxda u diyaarisay inay ku weerarto Itoobiya.
Saddexda hogaamiye ee la dilay ayuu Janaarlka ku sheegay inay kala yihiin:
1.Fu’ad Mahamed Khalif [Shongole] oo u qaabilsanaa abaabulka iyo borobagandhada kooxda Al-shabaab.
2-.Cabdul Casiis Abu Musa oo ahaa afhayenka Al-shabaab.
3- Cubeda Nuur Ciise oo ahaa masuulkii Alshabaab u qaabilsanaa dhinaca xuduudka Itoobiya iyo gobalka Bakool. Waa sida lagu baahiyay Ethiopian News Agency
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay wali socdaan dagaalada ay kula jiraan dagaalyahanada Al-shabaab ee ku sugan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.
Dagaalyahanno ka tirsan ururka Alshabaab ayaa saaka weerar ku qaaday fadhiisimo ay ciidamada Liyuu Booliska dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Atto ee gobolka bakool.
Wararku ayaa waxay tibaaxayeen in ay weerarradaasi ku bilaabmeen madaafiif iyo qaraxyo lala beegsaday halkaas, hase yeeshee warar laga helayo dhanka ciidamada Soomaaliya oo iyaguna ka qayb galay dagaalkaas ayaa sheegaya in khasaare weyn la gaadhsiiyey dagaalyahannada Alshabaab.
Waxa se ururka Alshabaab ay iyaguna dhankooda sheegteen in ay dileen ku dhawaad boqol askari oo ka mid ah ciidamada Liyuu booliska walow aan ilo madax banaan oo lagu kalsoonaan karaa aanay ilaa haatan jirin.
Waa markii saddexaad oo bil gudaheed ay deegaannada xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhacaan dagaallo ka dhashay weerarro ay qaadday Al-Shabaab.
Isbuucan dhexdiisa ayay xubno ka tirsan kooxdan iyo ciidanka Liyu booliska ku dagaallameen deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan, oo u dhow gobolka Shabeelle ee dhinaca Itoobiya.
Markii dambe waxaa dagaalka qayb ka noqday militeriga Itoobiya, labada dhinacna waxay sheegteen inuu mid walba khasaare gaarsiiyay midka kale.
Horraantii bishan Luulyo ayay ahayd markii ay isku dhaceen Al-Shabaab oo ujeeddadoodu ay ahayd inay u tallaabsato dhanka Itoobiya iyo ciidamada Dowlad-deegaanka Soomaalida.
Al-Shabaab ma waxay Itoobiya ku haysaa halis aan dhammaad lahayn?
Colaad sanado badan jirtay ayaa ka dhaxaysa kooxdan hubaysan ee saldhiggeedu uu yahay Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya.
Itoobiya ayaa go’aansatay in ay militerigeeda u dirto gudaha Soomaaliya sanadkii 2006-dii, xilligaas oo sababtu ay ahayd si looga hortago kooxaha Islaamiyiinta ah oo ay xukuumadda Addis Ababa u arkaysay inay khatar ku yihiin amnigeeda.
Xilligaas waxaa gudaha Soomaaliya ku dagaallamay ciidamada Itoobiya oo caawinayay dowladdii kumeel-gaarka ahayd ee uu hoggaaminayay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ah.
Go’aankaas ayaa horseeday in mucaaradka Itoobiya ay si wayn u dhaliilaan dowladda, Soomaali badanna waxa ay ka hor timid tallaabada Itoobiya oo ay u arkayeen duullaan.
Sidaas awgeed, howlgalkaas militeri oo socday muddo labo sano ah waxa uu soo afjaray maxkamadihii Islaamiga oo xilligaas sii xoogaysanayay.
Waqtigaas dowladda Itoobiya waxa ay sheegtay inay “gaartay ujeeddadeeda”, hase yeeshee, waxaa tallaabadii ay qaadday ku sii xoogeystay Al-Shabaab oo sii jiray burburkii Midowga maxkamadaha kaddib.
Ka badbadis ma noqonayso in la dhaho Itoobiya waxa ay Al-Shabaab ka hor istaagtay inay galaan dalkeeda, iyadoo adeegsanaysa istiraatiijiyado badan, marka laga reebo inay qayb ka ahayd ciidamada AMISOM.
Haddaba, maadaama ay waddamada Reer Galbeedku ku mashquulsan yihiin arrimo kale oo iyaga u gaar ah, Al-Shabaab oo hadda weerarro ku haysa xudduudaha Itoobiya ma waxay yeelatay halis sidii hore ka badan?
“Al-Shabaab dhankooda uma aha weerar yar in ay gudaha Itoobiya u galaan 80 kiiloo mitir ayna la wareegaan maamulka dhulka buuralayda ah iyo gobollada Oromia,” ayuu yiri Faysal Rooble, oo falanqeeya Arrimaha Geeska Afrika.
“Hoggaanka gobolka waxa ay sheegi karaan in ay riixeen Al-Shabaab, balse ma sheegi karaan in ay burburiyeen iyagoo dhan. Itoobiya waxay ahaan jirtay mid weerarta Al-Shabaab, hadda waxa ay noqotay dhinaca isdifaacaya,” ayuu yir
Itoobiya ayaa sheegtay in ay dishay mid ka mid ah horjoogayaasha aadka loo baadi goobayay ee Al-Shabaab, kadib howlgalo la xiriira duqeyn dhanka cirka ah.
Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Fu’aad Shongole waxa uu ahaa madaxa dacaayadda ee al-Shabaab, sida uu sheegay jeneraalka Itoobiya.
Horey, Maraykanku wuxuu madaixiisa dul dhigay 5 milyan oo doolar oo qofkii keena ciddii keenta xog horseeda in la soo qabto lacagtaasi lagu abaal-marinayo.
Janaraal Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in la la dilay 3 horjooge oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha Alshabab iyo 3 kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Ethiopian News Agency.