19th October 2024  admin  Category :

Madaxweyne Deni oo daah furay Diyaarad cusub

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Diyaarad cusub oo ay soo kordhisay Shirkadda Freedom Airlines, taasi oo Puntland ka billaabaysa duulimaadyo heer caalami ah.

Diyaaradan oo noocewdu yahay Air Bus 320, isla markaana qaadi karta boqolaal Rikaab ah, ayaa Puntland ka billaabaysa duulimaad toos ah oo Puntland ku xiraya wadamada kale ee adduunka.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in la helo Diyaarad noocan ah oo dulimaad heer caalami ah Puntland ka sameynaysa, wuxuu boggaadiyey shaqada wanaagsan ee ay wadajirka u qabteen Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Puntland iyo Shirkadda Freedom Airlines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*