19th September 2024  admin  Category :

Askar Ilaalo U Ah Kulane Jiis Oo Lagu Xiray Magaalada Muqdisho.

Askartan ayaa la qabtay iyagoo fasax la’aan garoonka uga dhoofi rabay oo safar u ahaa Gobolka Gedo, isla markaana ku baxayay qaab ciidan Boolis ah, gaar ahaan qeybta Daraawiishta, kuna hubeysna qoryaha fudud.

Wararka ayaa sheegaya in labadan askari ay ka mid ahaayeen illaa shan askari oo hoos tageysay Nabadsugida Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir u siiyay Xildhibaan C/llaahi Kulane inay ilaaliyaan, inta Xildhibaanku Ilaalo Ciidan Boolis ah ka helayo.

Sida caadada ah Xildhibaannada ayaa waxaa loogu tala galay in amnigooda ilaaliyaan Ciidan Boolis ah oo uu xaq u leeyahay oo loo ansixiyay xilligii Baarlamaankii 9aad.

Amniga garoonka Adan Cadde ayaa aad loo adkeeyay, waxaana si aad ah loo hubiyaa dadka ka duulaya, iyadoo dhwor jeer oo hore sidan oo kale garoonka looga celitay gudoomiyayaal degmo iyo askar lala xiriirinayo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*