25th November 2024 admin Category :
Magaalada Hargeeysa waxaa ka dhacay muddaaharaad looga soo horjeedo hoggaamiyaha SNMta Muuse Biixi. Hoggaamiyaha SNMta Muuse Biixi ayaa diidan in doorashada beelaha Isaaq ay qabsan jireen inuu ku qabto xilligeeda taasoo ay ka harsantahay afar billood.
Hadaba, maamulka Hargeeysa oo ah maamul ay dhisteen beesha Isaaq ayaa waxa uu la daallaadhacayaa qabyaalad baahsan oo xargaha goosatay, lana garan la’yahay sida loo xakameeyn lahaa.
Marka la eego heer cabiraha qabyaaladda Soomaaliya, Hargeeysa iyo nawaaxigeeda waxaa yaalla 70% boqolkii qabyaaladda taalla Soomaaliya oo dhan, Soomaaliya inteeda kalena waxaa taalla 30% oo ah min Raascaseeyr illaa iyo Raaskambooni.