30th November 2024 admin Category :
“Anigu xalaal uun baan cunaa, kumana raaxaysto sidaoo kalena kama dhergo cunnada haddii aanay calaamad xalaal in ay tahay sheegaysaa ku oollin”. Ayay Marwa ku tilmaantay waxa ugu mudan ee ay ku xulato marka ay rabto in ay soo iibsato cuntada ay u baahan tahay.
“Wax walba oo jikadayada ku jira waa xalaal, xitaa nacnaca carruurta, shukulaatada, caanaha iyo subaggaba” Marwa ayaa u sheegtay BBC. “Waxyaalahani waa waxa aan jeclahay in aan siiyo ninkeyga iyo gabadheyda 12-jirka ah.”
Marwa waxay Masar ka soo safartay 15 sano ka hor waxayna qoyskeeda kula nooshahay dalka Holland, waxayna ka mid tahay boqollaal milyan oo adduunka ah oo inta badan ku tiirsan wax soo saar xalaal ah oo ay ka dhigtaan cunto iyo cabbitaan. Taasi waxay ka dhigtay suuqa wax soo saarka xalaasha ah midka ugu kobaca badan aduunka.
Marwa waxay xaqiijisay in badeecooyinka xalaasha ah ay yaalaan dhammaan bakhaarrada gurigeeda u dhow, iyo silsilado suuqyo ah oo ku faafay goobaha ay Muslimiinta iyo Carabta isugu yimaadaan dalka oo dhan, halkaasoo gees gaar ah loogu qoondeeyay wax soo saarka xalaasha ah.
Dukaamada Marookaanka iyo Turkida ayaa sidoo kale si weyn ugu faafay xaafaddeeda, taasoo u sahlaysa inay ka iibsato wax soo saarka xalaasha ah iyo sidoo kale cunto la mid ah kuwii ay Masar ka soo iibsan jirtay.
“Waxyaalaha kale ee xalaasha ah oo iyana sii kobcaya”
Marka loo eego Warbixinta Dhaqaalaha Islaamka ee Caalamiga ah 2020, oo ay soo saartay Shirkadda Dinar Standard Corporation ee fadhigeedu yahay Dubai, waxa loo yaqaan dhaqaalaha xalaasha ah wuxuu ka dhigan yahay 3.7% wadarta ganacsiga adduunka.
Qiimaha suuqa ee alaabtan lagu tilmaamay inay yihiin “xalaal” caalamka oo dhan, ayaa lagu qiyaasay $2.2 trillion intii lagu jiray sannadkii 2019, sida warbixintaa lagu sheegay.
Goobaha ganacsiga xalaasha ah ayaa la balaadhiyay, marka laga soo tago hilibka iyo digaaga, caanaha iyo falaabta kale ee aan lahayn dufanka doofaarka, biyaha lagu keydiyo weelasha aan hore lagu keydin khamriga, iyo fitamiino aan lahayn dufan doofaarka.
Marka laga soo tago cuntooyinka iyo cabitaannada, waxaa suuqa lagu kala iibsadaa alaabooyinka xalaasha ahaa oo la sii horumariyey iyada oo lagu soo daray agab la isku qurxiyo oo xalaal ah, kuwaas oo ah alaab aanu ku jirin dufan doofaar iyo khamri.
Dalxiiska xalaasha ah ee ayaa isaguna jira, inta badan waxa uu ka dhigan yahay qorshe lagu qaabilayo qoysaska muslimka, gaar ahaan hoteellada iyo goobaha lagu nasto kuwaas oo aan ogolayn iibinta ama bixinta khamriga iyo hilibka doofaarka, iyo sidoo kale kuwa u qoondeeya barkadaha dabaasha ee haweenka oo kaliya iyada oo aan la isku darin lab iyo dheddig, mana jiraan goobo lagu caweeyo ama hoolal khamaar.
Sidoo kale suuqa wax kala iibsiga ee xalaasha ah ee ganacsiga bangiyada,hay’adaha maaliyadeed ee Islaamka iyo shirkadaha ku shaqeeya nidaamka Islaamka ayaa lagu xeeraa suuqyada gaarka ee nay ka adeegtaan dadka muslimka ah.
Sanadkii 1.17 trillion oo dollar ayaa lagu kharash gareeyaa cuntooyinka iyo cabitaanada xalaasha ah ee caalamka, halka wax ka yar trillion dollar lagu kharash gareeyo inta kale ee badeecadaha lagu tilmaamay xalaal.
Marwa iyo qoyskeedu waxay ku bixiyaan 80-90 Yuuro wiiggii alaab xalaal ah, oo u dhiganta 86-96 doolar. Iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana waxa ay xaqiijinaysaa in qiimaha badeecadahaasi ay gaadhi karaan qoysaska Muslimka ah, isla markaana ay ku dhow yihiin in ay la mid yihiin badeecadaha kale ee “aan xalaasha ahayn”.
Marka loo eego tirakoobka ururka caalamiga ah ee cunnada xalaasha ah oo la soo saaray Ogosto 2017, tirada dadka cunay cuntooyinka xalaasha ah ayaa gaadhay ku dhawaad laba bilyan oo qof oo adduunka ah.
Balse waxa yaabka yaabka leh ayaa ah in tobanka waddan ee ugu badan ee dhoofiya wax soo saarka xalaasha ah ay yihiin dalal aan muslim ahayn, kuwaas oo kala ah India, Brazil, Austria, United States, Argentina, New Zealand, France, Thailand, Philippines iyo Singapore.
Saamiga ay dalalkani ka soo saaraan wax-soo-saarka xalaasha ah ee caalamka ayaa lagu qiyaasaa 85%, halka saamiga dalalka Muslimka ah ay ku leeyihiin wax soo saarka iyo iibinta xalaasha ah 15% oo kaliya. Malaysiya, Indonesia iyo Turkiga ayaa safka hore kaga jira wadamada Muslimka ah ee ka qayb qaadanaya dhaqaalaha xalaasha ah.
Turkiga waxa uu ku fadhiyaa maqaam heersare ah, iyada oo wax-soo-saarkiisu uu ka badan yahay 20 bilyan oo doolar sannadkii.
Shirkadaha Turkiga ee iibiya badeecadaha xalaasha ah ee loo dhoofiyo dhowr magaalo oo Yurub ah ayaa ka dhigan ku dhawaad 15% wadarta guud ee shirkadaha wax soo saarka cuntada ee Turkiga.
Dr. Kamil Al-Sari, oo ah borofisar cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Sorbonne ee magaalada Paris, ayaa BBC u sheegay in suuqa wax soo saarka xalaasha ah uu ka marag kacayo kobac caalami ah 40-kii sano ee u dambeeyay.
Al-Sari waxa uu arrintan ku sababeeyey in ay sabab u tahay kororka tirada dadka Muslimiinta ah ee ku nool Yurub sannadihii u dambeeyay, haddii ay dalalkooda uga soo barakaceen dagaallo, dhaqaale la’aani ama waxbarsho, iyada oo ay taasi u dheer tahay saamaynta weyn ee ay fuqahada iyo Sheekhyadu ku leeyihiin Muslimiinta. Taas oo ah in ay raadiyaan wax soo saar xalaal ah, haddii kale ay dembi geli lahaayeen.”
Sababahan ka sokow cilmi-baadhisyadu waxay tilmaamayaan in sababta ugu weyn ee kobaca suuqa xalaasha ah ee caalamka ay sidoo kale ku jirto horumarka uu sameeyey dhaqaalaha dalalka Islaamka ah, iyo korodhka baahida iyo wax soo saarka xalaasha ah ee suuqyada cusub ee Yurub, Japan. Hindiya iyo Shiinaha