29th November 2024 admin Category :
Soomaaliya ayaa noqday dalka ay sida ugu daran u saameysay abaarta ka jirta Bariga Afrika. Dadka wajayaha gaajada ayay tiradoodu korortay boqolkiiba konton dhowrkii bil ee la soo dhaafay. Dad badan ayaa barakacay sababahaas dartood, iyadoo ay xaaladda uga sii dartay colaadda Ukraine.
Gaajada
Carruurta qaar waxay xamili waayeen culeyska safarka iyo dhibaatada gaajada iyo xanuunno isugu darmay. Waxaa ka mid ahayd Fardowsa oo saddex sano jir ahayd oo lagu aasay meel aan ka fogeyn xerada uu qoyskeedu degay oo ku taalla Doolow. Waxay dhimatay wax yar un kaddib markii uu qoyskeeda halkaas gaaray. Gaajada ka sokow, nafaqo-darro ayaa haysay, waxaana ugu darmay jadeeco iyo cagaarshow.
“Waxay u dhimatay in aan u waayay wax aan ku badbaadiyo. Wax aan ku tifqiyo ayaan waayay. Haddii aysan abaarta ahaan lahayn oo ay ii joogi lahaayeen xoolaheyga, gabadheyda wax aan ku badbaadsado ayaan u heli lahaa,” ayay tiri Fardowsa ayeeyadeed.
“Qabri kale ayaa la qoday si loogu aaso gabar kale oo loo maleynayo in ay xalay u dhimatay jadeeco. Dadka aan meesha kula kulmay waxay ii sheegeen in ay sidoo kale ka muuqatay nafaqo-darro. Carruurta badankood uma dhimanayaan gaajada ee jirkooda ayaan xamili karin cudurrada,” ayay tiri Catherine Byaruhanga oo ah weriyaha BBC-da oo booqatay xeryaha qaar.
Carruurta ayaa walaaca ugu daran ee abaarta laga muujinayaa. Qaramad Midoobay waxay ka digtay in hal milyan iyo afar boqol oo kun oo carruur ah oo ku sugan Soomaaliya ay sanadkan wajihi doonaan nafaqo-darro.
Xaaladda abaarta
Ayeeyadood oo lagu magacaabo Xaliimo Xasan Cabdullaahi ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay in abaar sidaan u daran oo ay aragto ay ugu dambeysay horraantii sagaashameeyadii.
Dad lagu qiyaasay 6 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan gargaar cunto si ay uga badbaadaan dhibaatada abaarta.
Afar xilli-roobaad oo baaqday ama roobabku ay meelaha qaar ku yaraayeen ayaa sababay in Soomaaliya ay gasho abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah. Taasi waxay si aad ah u saameysay xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda oo wax-soo-saarkooda ay ku tiirsan tahay nolosha Soomaaliya xooggeeda.
Waxaa jira warar sheegaya in 48 sikin oo kasta ay Soomaaliya uu qof ugu dhinto astaamo macluul. Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah ugu dhawaaqday jiritaanka macluusha, laakiin, hay’adaha gargaarku waxay ka digeen in abaarta jirta ay isku beddeli karto macluul.
Gargaarka
Lacagta gargaarka ah ee ay Qaramada Midoobay dalbatay ilaa hadda waxaa la helay boqolkiiba 15 oo keliya. Lacagtaas waxay gargaarka ay u baahan yihiin ugu filan tahay dad aan gaaraynin 3 milyan.
Caqabadaha amni ee ka taagan deegaannada qaar ayaa uga sii daraya xaaladda abaarta, maaddaama ay adag tahay in la gaarsiiyo gargaarka yar ee la heli karo.
Xaaladda ayaa si gaar ah u saameyneysa carruurta iyo waayeelka ay qoysaskooda abaarta darteed uga soo barakacayaan deegaannada qaar – way u nugul yihiin baahida iyo caafimaad-darrada ay ku wajahayaan safarrada barakaca iyo hayaanka.
Walaaca waxaa sii badinaya in dalalka dunida iyo deeq-bixiyeyaashaba ay ku sii jeedaan dagaalka Ukraine, taas oo keeni karta in la iska hilmaamo Soomaaliya iyo dalalka la midka ah ee ku sugan xaaladda adag.
Barakaca ay sababtay abaarta
Dad aad u badan ayaa ku barakacaya gudaha Soomaaliya. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in abaartu ay sababtay in ka badan 750,000 oo qof in ay barakacaan, tan iyo bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.
BBC-da waxay Doolow kula kulantay Cabduqaadir Cabdinuur oo qoyskiisa ay soo lugeeyeen in ka badan 300 km si ay u soo gaaraan xero barakac oo ku taalla degmadaas. Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuu ka walwalsan yahay xaaladda ay ku sugan yihiin dad ay deegaankoooda uga soo tageen oo socon kari la’aa.