30th April 2024  admin  Category :

Go’aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo ku xigeenadiisa ay ku fasaxeen garabkii lagu soo doortay Ceelwaaq ayaa muujineeysa in hoggaanka baarlamaanku uu yahay mid aan ehel u aheyn shaqada loo soo doortay. Shaqadoodii ugu horeeysay waxeey ku billaabeen caddalad darro ay weheliso dabcan musuqmaasuq.

Shacabka Soomaaliyeed waxeey is lahaayeen guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxeey la iman doonaan nidaam caddaalad ku dhisan oo lagu xallinayo khillaafka ka dhashay doorashooyinkii iska soo horjeeday ee ka kala dhacday magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.

Guddoomiye Aadan Madoobe marna doodiisa uu ku fasaxay xildhibaanadii Ceelwaaq kuma salleeyn heshiiskii 17kii September, balse doodiisa waa uun Ra’iisal Wasaare Rooble, guddomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse Geelle, iyo maamulka Jubaland ayaa isku waafaqay in kuwa Ceelwaaq ay yihiin kuwii saxda ahaa.

Rooble, Muuse Geelle iyo Ahmed Madoobe ayaa ah kuwo isku dhinac ahaa, balse Adan Madoobe waxa uusan tixgelin siin inaba dhinaca xubnihii lagu soo doortay magaalada Garbahaareey oo iyagu ah kuwo ku taagan heshiiskii 17kii September. Haddii xittaa uu guddoomiye Aadan Madoobe uu u kalla qeeybin lahaa mid 8 xubnood, waxeey ahaan laheed xooggaa mid caddaalad u soo dhaw, laakiin hal dhinac ayaan taageerayaa waa mid muujineeysa wajiga dhabta ah ee guddoomiye Aadan Madoobe.

Si kastaba ha ahaato, maadaama baarlamaanka aysan go’aan ka gaarin xubnaha la isku heeysto ee Gobolka Gedo waa in xubnaha baarlamaanka ay ka hor yimaadaan labbada dhinac ee lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaareey si baarlamaanka uu u noqdo mid maslaxadda shacabka Soomaaliyeed ka shaqeenaya, waana in aysan marnaba oggolaan in taladda baarlaamaanka ay jeebadaha ku shubtaan guddoomiyaha iyo ku xiggeenadiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*