22nd December 2024 admin Category :
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa waaberigii saaka weerar ku qaaday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Puntland, waxaana weerarka uu ku billowday hoobiyeyaal iyo hubka fudud.
Waxaa lagu soo warramayaa in uu waagu isugu baryay ciidamad kooxdii weerarka ku qaadday iyo kuwa Puntland.
Goobjooge ku sugan tuulada Af urur ayaa sheegy in dagaalku uu wali ka socdo hadda meel u dhow tuulada Af-urur.
Dagaalkan ayaa inta la ogyahay waxa ku dhintay Allah ha u wada naxariistee lix Askari oo ay ka mid yihiin Taliye Siciid Cabdikariin Muuse (Shaati) iyo Maxamed Jaamac Yuusuf xiir. Afar ka mid ah ayaa ka soo jeeday beesha Warsangeli, Askari Dhulbahante iyo Askari ka soo jeeda beesha Majeerteen
Ma aha markii ugu horreeyay ee kooxda Al-shabaab ay weeraraan deegaankaasi, iyadoo dhowr sano kahor weerar kan oo kale ah oo ay ku qaadeen ay ku dileen askar badan, islamarkaana ay muddo kooban kula wreegeen deegaanka