5th February 2025 admin Category :
Lix qof oo ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday garoonka Aadan Cadde
Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhinatay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa VOA u sheegay in lixda qof oo shan ka mid ah ay yihiin ajaanib uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM.
Waxa uu sheegay in dadka dhintay ay sidoo kale ku jireen tababarayaal ka caawiya dawladda dhinaca tababarka qaraxyada.
Goor sii horeysay booliisku waxay sheegeen in laba nin ay isku dayen inay gudaha u galaan qayb ka mid ah xero ku dhow garoonka ee dhinaca albaabka Mariino, islamarkaana ay booliska dileen.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegteen oo kale in maleehsiyaadkoodu ka dagaalamayeen gudaha garoonka ayna dab qabadsiiyeen meelo ka mid ah garoonka.
Sarkaal ka tirsan ddwladda Soomaaliya oo magacisia qariyey ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka gudbeen baraihii kontoroolka ayna gaareen goob ay ku yaallaan dukaamo ganacsi qaarkoodna ay dab qabadsiiyeen.