25th October 2024  admin  Category :

wa idin salaamay Bahda Allsanaag iyo umadda Soomaaliyeed. Qore Jaama Jaama

Marka hore waxaan rabaa inaan guto waajibaka saaran oo aan muujiyo qaderinta iyo jecaylka aan u hayo xafiiska madax-weynaha somaliyed, waayo waa astaanta labaad ee ummadda somaliyed, marka laga yimaado astaanta koowaad calanka ummadda soomaaliyeed.

Madax-weynaha ummadda Soomaliyeed waa ruux u adeega umada soomaaliyeed baahideeda dibadda iyo gudahaba, waajibkaa saaran sida uu u guto madax-weynuhu bay ku xidhantahay inta uu sii haynayo madax-tooyada ummadda Somaliyeed. Sidaa daraadeed ruux kasta oo soomaaliyed xaq buu u leeyahay in uu miisaamo wax qabadka madax-weynaha iyo maamulkiisa.

Anigoo muwaadin Soomaliyeed ah waxaan rabaa inaan idin la wadaago aragtidayda ku aadan maamulka hada ka jira Soomaaliy ee uu hogaamiyo mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, anigoo keliya ku dhaygagaya danta guud ee umada somaliyed.Markii madax-weynaha loo doortay Maxmed Cabdilaahi Farmaajo FEB, 8 2016, ray-rayn iyo rajo fiican bay u muujiyeen shacabka Somaliyeed madax-weynohooda cususub Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, farxadaa iyo rajadaa waxaa muujiyay dad badan oo ugu caansanaa mudane Cabdilaahi Daanyeerow iyo hal-ku dhegiisii ar “Farmajo ii geeya”, Cabdilaahi oo hada ka mid ah shaqaalaha dawladda.

Hadaba afar sano ka dib xagee buu ku danbeeyay jacaylkii iyo rajadii ay dadka Soomaaliyeed u muujiyeen Farmaajo. ma qaraxyada is daba jooga ah ee Muqdisho ka dhaca baa dilay rajadii iyo jecaylkii, mise waa uun dhaawace weli waa jirtaa.

Ma dhoofintii iyo dhiibidii Cabdikariin Sh. Muuse Qalbi dhagax bay raacaday oo rajadii jeel Ethiopia ku yalay ku dhimatay, mise dagaalkii ka dhacay Tukaraq ee uu madaxweynuhu diyaarada ka raacay oo dadka badan ku dhinteen baa rajadii iyo jecaylikii ku dhinteen, mise maba dhimane dadkii lagu laayay Baydhabo ee sababay in laga eryo Soomaaliya ergeygii hore ee Qaramada midoobay Mr Nichols Haysom baa rajadii hore u sii qaatay, mise lama qaadane rajadii waa dhawac la xidhan Rooboow . Mise cuna qabatayntii dawladda dhexe saartay Juba-land bay rajadii ummaddu macaluul ugu dhimatay, mise waxayba rajadii iyo jecaylkii ku xayiranyihiin xuduudka u dhexeeya Keenys iyo Somalia. Mise maba xayirne, iyadoo caafimaad qabta waxay ku nooshay caasimada Galmudug ee Dhuuso-mareeb .

Mise rajadii iyo jecaykii waxay xiriir cusub la sameys-teen Raisul wasaarihii hore Casan Cali Khayre. Mise madax-weynayaasha yar-yar baa madax-weynaha madaxa u galay, oo rajadii iyo jecayl-kiiba kala baxay madaxa madax-weynaha. Mise lalama bixine waxay la jaah-wareertay shacabka Sool iyo Sanaag, ka dib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu meel fagaare ah ka sheegay in dhibaatooyinka ku xeeran shacabka Sool iyo Sanaag aanay isaga khusayn.

Mise rajadii ummadda soomaaliyeed waxaa isu tuurtuura E Ethiopia, Kenya,Qadar, Saudi Arabia, United Arab Emirates, Egypt iyo Uganda.

mise sida ay muujinayaan shirarka ka dhaca samo-reeb casimada Galmudug rajadii iyo jecaylkii umaddu wuxuu isu bedaly sidii dilaaliin isku laynaya adhiga lasoo wado cidii iibin lahayd lacagahaa adhiga lagu kala gadi doono waxay ka la yimaadaan Eemirates, Qadar, Kenya, Eithopia iyo Muqdisho.

Mise mar har hadii calaamadihii qaran aanay jirin sida xuduud lacag midnimo iyo dastuur aanu dalka Soomaaliyeed lahayn madax-tooyada Soomaaliyeed waxay noqatay meesha uu fadhiyo dilaalka ugu weyn dilaaliint yaryar. Madaxweynuhu wuxuu taaganyahay Ariga Gedo laga keeno anaa iska leh, Ariga Garbaharayna qoor-qoor baan u daayay, madax-weyne qoor-qoor ba yeeshaye Maxaad Axmed Islaan ku diiday? Ariga xamarna? Ariga Deni bal isna ka waran? Bal lafta-gareen arigiisu waa side?

Soo noqotaye, maxaad keentay.

Lagu dooraye, yaad meteshaa.

Ku dhaarataye. Ma taqaan.

Shirisaye, maxaad sheegtay.

Lebisataye, yaad u egtahay.

Aamustaye, maxaad soo wadaa.

dheregtaye maxaad cuntay.

Tegiweydaye, yaa ku casumay.

Waxaan jeclaan lahaa in mudane Cabdilahi Daayerow, afar sano ka dib in la warsado sida rajadiisii u xoogaysatay ama u wiiqantay, waayo wuxuu ka mid yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed oo xaqa u leh inay u kuur galaan sida ay madaxtooyada Soomaaliyed u maaraynayso danta ummadda.

Waxaa hubaal ah in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sool iyo Sanaag oo dhibaato naf iyo maalba leh oo aad u tiro badan ay ka soo gaadhay xorayntii soomaaliya aanay ka mid noqon doonin siyaasada deyeysan iyo dilaalnimada madaxtooyada farmaajo afar oo kale.

Waxa qoray Jaama Jaama

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*