29th April 2024  admin  Category :

Taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasiin oo ka jawaabay Amarka Ra’iisul Wasaare Rooble

Taliyaha hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yasin Xaaji Dahir ayaa maanta la sheegey inuu kasoo jawaabey dalabkii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shaley 48 saac u qabtey in warbixin dhameystiran looga keeno dilkii Ikraam Tahliil oo aheyd gabar dhallinyaro ah oo u shaqeyneysey hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka.

Qoraal uu Fahad Yaasiin uu u diray Ra’iisul-wasaare Rooble oo VOA nuqul ka mid ah ay heshay VOA ayuu ku sheegay inuu doonayo in warbixinta uu dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka horjeediyo shir ay goobjoog ka yihiin Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan.
Golahan waxaa xubno ka ah; Madaxweynaha, Ra’iisul Wwasaaraha, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Madaxda Maamul-goboleedyada.

Fahad ayaa qoraalkiisa ku yiri “Anagoo fulinayna amarkaaga, maanakana ku hayna xasaasiyadda kiiska sarkaal Ikraan Taliil oo noqotay mid heer qaran, gudanayna waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda ka wada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso.”

Fahad Yaasiin ayaa qoraalkiisa sii raaciyay oo yiri “Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha Jamhuriga Federaalka Soomaaliya inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida.”
Fahad ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in macluumaadka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil uu la wadaago Golahan, halkaasina lagu gaaro go’aanno.

Dadka Fallanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay in talaabadan Fahad uu qaaday ayaa u muuqata mid uu ku doonayo in go’aanka laga gaarayo kiiska Ikraan aanu ku koobnaan Ra’iisul-wasaare Rooble.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*