18th December 2024  admin  Category :

Yaa ka danbeeya in Ciyaartii Puntland ee nabadda iyo walaaltinimada ku soo dhamaatay la fashiliyo oo la macno tiro?

Sida aad la wada socotaan galabta waxa ku soo dhamaaday Garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe, Horyaalka Gobollada Puntland ee koobka 8aad, oo ay ku guulaysteen gobolka Hayland oo ay xaruntiisu tahay magaalada Dhahar.

Ciyaarahan dhex marayey dhalinyarada iyo jiilka soo socda ee reer Puntland ayaa ahayd mid ay ka muuqatay xamaasad , walaaltinimo iyo ilbaxnimo .

Taageerayaashii ku sugnaa maalin walba Garoonka Mire Awaare ee labada kooxood ee maalintaa wada ciyaarayey kala taageerayey ayaa iyaga oo is dhinac fadhiya uu midba kooxdiisa taageeyaey, oo aan haba yaraatee wax rabshado, nacayb iyo af xumo lays waydaarsanayn ama laysu geesanayn

Tusaale maalintii ay wada Ciyaarayeen Mudug iyo Hayland, dadkii ugu badnaa ee taageerayey Hayland waxay ahaayeen shacabka magaalda Garowe.

Tababraha gobolka Hayland, ayaa isaguna ka soo jeeday Degmada Garacad ee gobolka Hayland. Maalintii ay Mudug iyo Hayland wada ciyaarayeen ma taageerin gobolkiisa ee wuxuu macalin fiican oo guulo dhaliya u noqday kooxdii uu tababarha u ahaa ee gobolka Hayland .

Caawa Markii gobolka Hayland ku guulaysteen koobka, dabaaldeggu wuxuu ka bilaamay magalooyinka Qardho, Waaciye, Xidda, Sheerbi, Ceel daahir, Carmo, Boosaaso, Ceelaayo, Laasqoray Badhan, Xingalool, Buraan iyo magaalooyin ka mid ah gobolada Sool, Cayn iyo Mudug.

Hadaba horyaalkii ku soo dhamaaday sidi loo baahnaa iyo si ka wanaagsanba, haddii ay noqon lahayd dhanka amniga , ciyaar wanaaga , is dhex gal bulshada , isbarasho iyo maamulba, ayaa Mooryaantii Muqdiho ee aan waxa fiican sheegi jirin waxay doonayaan inay macno tiraan guusha reer Puntland iyo walaaltiniada beelaha Harti, oo ay ka dhigtaan Jaran jaro siyaasadeed, iyaga oo bulshada reer Puntland u kala qaybinaya Majeerteen iyo kuwo iyga u dhego nugul.

Sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen intii ciyaartu soocotay maanta ayaa Muqdisho waxa ku kulmay koox ku wada socda nacaybka Puntland iyo beelaha degan , waxayna ka wada hadleen sidii ay aga faaiidaysan lahaayeen haddii ay reer Hayland guulaystaan , Muqdishana uu keeni lahaayeen, iyaga oo sida la sheegay ay sababta qura iyo ujeedadda ay ka lahaayeena ahayd inay ku xumeeyaan beesha Majeerteen. Qaar ka mid ah kooxdan oo ka soo jeeday beesha Hawiye, iyagu waxay soo jeediyeen ina caawaba diyaarad loo diro kooxda oo Muqdisho la keeno inta uu madaxweyne Deni ku sugan yahay

Ugu danbayntii, maanta haddii gobolka Nugaal ku guulaysan lahaa koobka horyaalka Puntland , marna siyaasi Hawiye ah ma soo hadal qaadeen in Muqdisho isla caawaba diyaarad loo saaro Ciise Maxamuud ama Majeerteen . Haddii sidaasi jirto maxaa fuduudeeyey in gobolka Hayland laga dhigo meel qof iyo reer leeyahay oo sidii la doona laga yeeli karo. Gobolka Hayland Xildhibaanadiisa iyo Siyaaiyiintiisuba, hal magaalo oo Dhahar ah ayeey ka soo wada jeedaan, waana sababt uu u horu mari waayey gobolkaasi , maantana loo leeyahay Muqdishaa ayaa la geenayaa si Puntland loogu xumeeyo

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*