18th December 2024  admin  Category :

Doorashadii ka dhacday maamulka Hargeeysa dhawaan waxaa lagu sheegay in beesha Warsangeli aysan waxba ka hellin, macnaha hal kursi xittaa. Hadaba, caqliga wannaagsan qofka uu illaahay siiyey waxa uu is weeydiin karaa sida ay taas ku dhacday, balse shaqsiga awalba aan caqliga badan u saaxiibka aheeyn waxuu qaadanayaa waxa loo sheegay.

Jawaabta oo fudud ayaa ah in beesha Warsangeli aysan waxba la dhisan beesha Isaaq, taas ayaana keeneeysa inaan laga sammeeyn wax diiwaan gellin ah iyo wax doorasha ah haba yaraatee.

Dhinaca kale, dadka Koonfurta Soomaaliya deggan waa dad lagu shuban karo oo iska alla u sahal ah, waxeeyna qaataan wixii loo sheego. Maanta waxaa laga dhaadhiciyey in doorashadii qabiilka aheeyd ee Hargeeysa ka dhacday in xittaa aysan ka dhicin Yurubta, ayna aheeyd mid beelaha dhulkii British Somaliland la isku oran jiray oo dhana ay u dhammaayeen, taas oo ah mid aan waxba ka jirin.

Hadaba, muuqaalladan hoos ku xusan waa magaalooyinka ay deggaan beesha Warsangeli, ma la dhihi karaa magaalooyinkaas hal qof ayaa cod looga waayey? Jawaabta waa maya, balse dadka deggan dhulkaas kama tirsana maamulka SNMta, waxna lama dhisan, dadkaasna waa dad aan diyaar u aheeyn in dalka Soomaaliya la kalla jaro, waana sababtaas sababta loo yiri waxeey helleeyn eber ama waxba.

Badhan

Xingalool

Dhahar

Buraan

Hadaaftimo

Ceelbuh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*