22nd December 2024 admin Category :
Taliyihii Booliiska oo lagu khasbay inuu Guryaha Siyaasiyiinta Hawiye mid mid u booqdo oo uu raali gelin bixiyo
Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ay weheliyaan Dhalinyaro reer Muqdiho ah ayaa galabta hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed.
Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada Muqdisho iyo xoojinta heshiiskii laga gaaray qalalaasihii ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay muddo kororsiga.
Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xalay hoygiisa ku booqday Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoona ka wada hadlay qorshaha sugida amniga Musharaxiinta.
Kulamadan uu Taliye Xijaar la qaatay Madaxweyneyaashii hore ee dalka ayaa kusoo beegmaya, iyada oo maalintii shalay aheyd Magaalada Muqdisho isaga baxeen Ciidamada Milateriga ee kasoo horjeeday muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.
Taliyaha CBS @GenHijaar oo ay weheliyaan Taliye ku Xigeenka iyo Afhayeenka @SoPoliceForce ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore Mudane Xassan Shiikh Maxamuud, kulankan waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka. pic.twitter.com/80wbVaPGDg
— Somali Police Force (@SoPoliceForce) May 7, 2021
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed @GenHijaar oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan @SoPoliceForce ayaa hoygiisa ku booqday guddomiyaha Xisbiga @PartyWadajir @AAbdishakur Kulankan waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka. pic.twitter.com/rUDKtAews2
— SONNA (@SONNALIVE) May 8, 2021