24th October 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay qaraarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhoweynayso qodobka ku saabsan in ay Soomaaliya Midowga Afrika usoo diraan ergay ka caawiya Soomaalida in ay wada hadlaan.

Hadalkan waxaa sheegay Wasiirka Warfaafinta Cusmana Abuukar Dubbe oo goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdishu. Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka dalbaday Guddoomiyaha Midowga Afrika Flex Tshisekedi in uu fududeeeyo wadahadallada Soomaaliya.

Balse dhinaca kale Wasiirku waxa uu sheegay in ay diidan yihiin hadalkii Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Afrika ee ku saabsanaa cambaaraynta go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka. Waxa uu sheegay inaysan jirin hay’ad dibadeed oo cambaarayn karta go’aanka baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirku inay kasoo horjeedaan qodobka ku saabsan la socodka AMISOM ee dhaqdhaqaaqa ciidanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa mar kale eedayn u jeediyey waddamada Kenya iyo Jabuuti oo uu ku eedeeyey inay faragelin ku sameeyeen go’aankii ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.

Jabuuti waa ay beenisay eedda ka timid Wasiirka Warfaafinta. Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa sheegay inaysan Jabuuti u qalmin hadalka kasoo baxay Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*