23rd December 2024  admin  Category :

Jasiirada Suqadara (Socotra) oo Soomaaliya u jirta wax ka yar 240 kiiloomitir ayaa dhinac Yemen waxeey u jirtaa in ka badan 550 kiiloomitir. Hadaba, jasiirada Suqadara waxeey u dhawdahay dalka Soomaaliya, waxaana degan dad ka soo jeeda Yementa. Dadka degan waxaa lagu qiyaasaa 50,000 illaa iyo 60,000 oo qof.

Dhulka ay ku fadhido jasiiradan ayaa ah 3,796 KM oo isku wareeg ah. Taasi macnaheeda ayaa ah in Suqadara ay ka weeyn tahay dalalka Singabuur, Baxreeyn, Siishalis, Luxamberg iyo 30 meeyo kalle oo ay ka mid tahay Malta.

Suqadara waxeey ku taal meel muhiim ah oo ay maraan maraakiibta caalamka, maalin kastana waxaa mara maraakiib sida badeecado kalla duwan, waana marin aad mashquul ah. Quwadaha shisheeyana waxeey doonayeen marar badan ineey ka sameeystaan xarumo ciidan.

Hadaba waxaa soo baxaya in tan iyo 2018kii in dawladda Imaaraadka ay xarumo ciidan ka sameeysatay jasiiradaas, waxeeyna dadkii nabadda ku noollaa ee deganaa dhulkaas ay dhex dhigeeyn kalla qeeybin. Imaaraadka waxa uu Suqadara geeyey ciidamo gaaraya 5000, kama hellin wax oggolaansho ah dalka Yemen iyo maamulka Suqadara midna.

Imaaraadka ayaa qorshaha Suqadara uga dan leh in uu ka illaashada danihiisa Puntland, maamulka Hargeeysa iyo dalka Eriteeriya. Waxa uu Imaaraadka doonayaa in Yemen uu ka iibsado jasiirada Suqadara. Hadii ay gacanta ay ku dhigto Imaaraadka, waxeey xaq u yeelan doontaa ineey macdanta, shidaalka iyo kalluunka ay kalla soo baxaan Boosaaso meel wax yar u jirta taas oo ah waxa loogu yeero Exclusive Economic Zone.

Qorshaha Imaaraadka uu wato ayaa ka mid ah in dadka Suqadara degan ay ka mid noqdaan dadka Imaaraadka iyo in dagaal looga saaro meesha. Sidoo kalle, Imaaraadka ayaa ka dhex wada dalka Yemen gudihiisa kalla qeeybi oo xukun waxa loogu yeero.

Ma fahmi karaan waxa ay doonayaan Imaaraadka kuwa horboodaya Hargeeysa iyo Garoowe, balse waxa ay eeganayaan oo kalliya maalintaa qadada ee uu Imaaraadku bixinayo. Si kastaba ha ahaato, hadii awal dawaladihii hore ee Soomaaliya ay faraha ka qaadeeyn jasiiradaas maaadaama ay ku noolaayeen dad masaakiin ah, maantase uu Imaaraad yimid in jasiirada Suqadara ay sheegato dalka Soomaaliya maadaama ay halis nagu tahay? Waxaana ogaataan in Imaaraadka uusan kalligiisa socon, balse ballaayo kale uu dabada ku wato. Warbixintaas oo dheer hoosta kalla soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*