25th October 2024  admin  Category :

RW Rooble: “Baaritaan Deg-deg ayaa lagu sameynayaa falkii ka dhacay Garoonka Aadan cadde”


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay shaqaaqo maanta ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg-deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay gacan ka hadal u dhexeeyay shaqaalaha laanta socdaalka iyo ciidamada Nabad-Sugidda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*