25th October 2024  admin  Category :

Hoggaamiyeyaasha Madasha oo dib u dhigay 18-kii xubnood ee lagu kordhigay Aqalka sare

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa war saxaafadeed xalay ka soo baxay ayaa waxay dib u dhigeen magacaabista 18-kii xubnood ee ay ku kordhiyeen Aqalka sare 24-kii bishan, iyagoo tixgelinaya howlaha culus ee u yaala Baarlamaanka cusub.

Madaxda Madasha ayaa dib u dhigay 18-ka xubnood inta ay ka dhamaaneyso doorashada Madaxweynaha.

G0’aanka Madasha ay ku gaartay in dib loo dhigo magacaabista xubnaha lagu kordhiyay Aqalka sare ayaa ka dambeeyay markii Beesha Caalamka ay ka hor-timid xubno kordhinta lagu sameeyay Aqalka sare.

Hadaba War saxaafadeedka Madasha ayaa sidan u qornaa:-

1. MHQ waxay hambalyo u direysa Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo uu u qabsoomay Munaasabadda kulanka Kafadhigooda koowaad oo uu rasmi ahaan ku dhismay Aqalka Sare isla markaana xubnaha labada Aqal ee Baarlamaankana lagu dhaariyey. Waa markii ugu horreysay ee muddo 47 sano ka dib, baarlamaan muddada xilhayntiisi si buuxda usoo dhamaysta oo xilkii Golaha sharcidejinta Qaranka Cusub si dimuqraaddinimo iyo maamuus ku dheehan xilka ugu wareejiyey Baarlamaanka cusub.

2. Madasha Hogganka Qaranku (MHQ) oo weli ku guda jirta xaqiijinta habsami u dhamaystiridda hawlaha doorashooyinka 2016 iyo u horseedidda heshiisyo u xaqiijin kara midnimada umadda Soomaaliyeed iyo xallinta cabashooyinka uga imanaya bulshooyinka ku nool degaan-doorashooyinka kala duwan ee Dawlad Goboleedyada Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3. MHQ ayadoo tixgelineysa ajendooyinka culus ee Baarlamaanka Federaalku horyaal loona baahan yahay in laga horqaado wax walba oo carqaladeyn kara xilgudashadiisa, Madaxda Hogganka Qaranka waxay isku raaceen:

a. In fulinta doorashada sideed iyo tobankii (18) kursi ee madashu ku kordhisay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka dib loo dhigo ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

b. In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya codsi rasmi ah degdeg ugu diro Baarlamaanka Federaalka kana codsado in wax-ka-beddel dastuureed lagu sameeyo Qodobka 72-aad ee Dastuurka Federaalka oo xubnaha Aqalka Sare ee BFS oo hadda ah konton iyo afar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare la gaarsiiyo laba iyo toddobaatan (72) kursi, si loogu xalliyo cabashooyinka bulshada ka yimid lagana dhigo ajeendooyinka Baarlamaanka ee mudnaanta koowaad leh.

1. Ugu dambeyntii MHQ waxay Baarlamaanka 10-aad u rajeyneysaa guul waxayna ku dhiirrigelineysaa inay waajibaadkooda u gutaan si xilkasnimo ku jirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*