18th May 2024  admin  Category :

Turkiga oo agab caafimaad ugu deeqay Somalia

Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Turkiga ayaa agab caafimaad ugu yaboohday Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay Safaarada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Hay’adda Bisha Cas ay 10 mashiin oo ah kuwa neefta siiya bukaanada ugu deeqday Wasaarada Caafimaadka.

Qaraalka Safaarada ayaa sidoo kale lagu xusay in mashiinadan ay ka qeyb qaadan doonaan dadaallada Dowladda Soomaaliya kula dagaalameyso Cudurka COVID-19.

Waxaa ay sheegeen in agabkan caafimaad uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono caawinta bukaanada la xanuunsan cudurka COVID-19.

Deeqdan caafimaad ayaa imaaneyso iyadoo Cudurka COVID-19 uu u muuqda mid soo laba kacleeyay, islamarkaana ay korortay tirada dadka uu soo ridanayo.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee cudurka COVID-19, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.

Ugu dambeyn, Qoraallo siyaabo kala duwan uga soo baxa Madaxda ugu sareysa Dalka iyo Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta badan looga dalbadaa Shacabka Soomaaliyeed in ay raacaan tallooyinka caafimaad, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID-19.

EvJwihEWYAMcU1E
EvJwiAbXEAEkwqe (1)
EvJwiAbXEAEkwqe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*