30th April 2024  admin  Category :

Gudoomiye degmo oo ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka Gobolada Sanaag iyo Hayland oo nala soo xiriiray ayaa noo sheegay inuu u tegay madaxda Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowlada Puntland , isaga oo ka codsanaya in gawaari gaaraysa 13 oo Ha’yadda UNOPS ku wareejisay maamulka Puntland in qayb laga siiyo .

Madaxdii Puntland ee wasaaradda amniga ee gudoomiyuhu ka codsaday gawaaridan mid ka mid ah inay siiyan ayaa ugu jawaabay ” Ha’yadani ma ogolo in gawaari ay bixiyeen in la geeyo gobolada Sool iyo Sanaag.

Intaa ka dib ayaan (ALLSANAAG) la xiriirnay wasaaraddii arintani khusaysay ee Federaalka, waxayna noo sheegeen in maamulka Puntland cadayn ka keenaan Ha’ydan sheegtay in gawaarida ay bixiyeen aan la gayn karin gobolada Sool iyo Sanaag

Maalmaha soo socdaayaa la ogaan doonaa in arintu ahayd marmarsiinyo ay maamulka Puntland gawaaridan ugu diidayeen Sool iyo Sanaag iyo in Hay’adani aynu ku shaqayn sharciga dalka u yaala. Gudoomiyihii mar aan dib ula xiriirnay wuxuu noo sheegay inay cadaynta Ha’yadda waydiisan doono dawladda Puntland.

ALLSANAAG,COM

3 thoughts on “Ma Run baa in Gawaaridan Sanaag la gayn karin

  1. Jirac

    All of them should be taken to Sool, and Sanaag and the aid agency shouldn’t be behaving like that way is just corruption in my opinion but let’s see DENI and karash administration handling of this follow all the way please and inform as. Thanks

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*