17th October 2024  admin  Category :

Geerida Cali Khaliif waa mid ay ku gadaamantahay shaki badan; shakigan intiisa badan waxa uu ka imanayaa dhinaca Hargeeysa.

Waqtiyadii ugu danbeesay, Cali Kaliif waxa uu u muuqday mid siyaasad ahaan ka soo quustay SNMta Hargeeysa; sidaa darteed, siyaasiyiinta Hargeeysa waxa ay dareeymeen ama u muuqatay in Cali Khaliif uu la iman doono waxyaabo iyaga lid ku noqon doona siyaasadooda foosha xun maadaama ay diideen wixii uu ka dalbaday.

Sidoo kale, waxaan meesha ka marneen shakiga ah in intii uusan Cali Khaliif Hargeeysa ka iman la soo summeeyey ama la soo siiyey quraarado la shiiday, taas oo cuntada loogu soo daray, dabadeedna uu u dhintay waxyeeladaa Hargeeysa loogu soo geeystay.

Hadaba, Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waa in geerida Cali Khaliif ay ku sammeeysaa baaritaan madax bannaan si loo ogaado suntan Hargeeysa laga soo siiyey iyo welliba nooca ay tahay.

Waxaan la soconaa, hada ka hor, in Hargeeysa waxyeelo loogu geeystay qaar ka mid ah marabidii Hargeeysa la joogtay SNMta oo laga dhigay kuwo gawaari la jiirsiiyey iyo kuwo la summeeyey.

Si kastaba ha ahaato, dadka ka soo jeeda beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ee ku sii socda Hargeeysa ayaa looga digayaa ineeysan tegin dhulkaas; Hargeeysa waxaa degan cadaw, cadawgana waxaa habboon inaan marnaba waxba lagu darsan.

One thought on “Shakiga ku Aadan Geerida Cali Khaliif

  1. Jirac

    INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RASJICUUN: Geeridu waa xaq ilaahay ha u naxariisto Professor “CALI KHALIF GALAYDH” Ehelkiisii Qaraabadii iyo dhamaan dadweyha Somaaliyeed. Geerida Cali Khaliif aadbaan oga naxay runtii video gii u danbeeyey hadaad daawato waad dareemeysaa inuu xanuunsanaa walaahi waan dateemay inuu xanuun jiray hadana waxaan ku talibayaa in la baato la sheegayo ee odaga Hargeysa laga soo siiyey si deg deg ah warbixintiisana aan helbo. Cali Khalif indheer garad nimadiisa iyo outside box thinking in politics will be missed.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*