19th September 2024  admin  Category :

Waxaan ugu baqaynaa walaalaha ku dagaalamaya gobolka Sool in ay joojiyaan colaada si shuruud la’aan ah. Waxaan codsaneynaa in khilaafka jira lagu xaliyo wadahadal.

Waxaan sidoo kale ka codsananaynaa in hoggaamiyaasha, odoyaasha dhaqanka, wax-garadka, culumaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay kaalin weyn ka qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo dhiiga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

Waxaanu ugu baaqayna mar kale waxgaradka Beelaha Harti iyo odoyaasha labada dhinac in ay waxkastaba u huraan joojinta dagaalka. Waxaan ku dhiiri-galinaynaa labada dhinacba inay dhexda u xirtaan sidii lagu gaari lahaa nabad waarta oo u dhaxeysa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobolka Sool.

Siciid Uurcad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*