19th September 2024  admin  Category :

Buugga Gaas: “Sheekh Shariif Baan Ka Shakiyey”

“Waxa aan uga shakinay Alshabaabnimo, baaritaan baan rabnay inaan ku samayno, way noo suura gali wayday”
War ba’aa oo waa sidee? Nala soco adigoo mahadsan.

Isla buugii uu qoray Reysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Abdiwali Ali Gaas waxa uu cutubka 7aad ku yiri sida tan:
Caadiyan waxa aan isugu iman jirnay, shirka amniga qaranka oo aan qabsano badanaa, maalmaha Axada iyo Arbacada, shirkaa waxa ay tahay inuu usbuuc kasta ka soo qeyb galo, madaxweynaha, anigga oo ah reysul wasaaraha, guddoonka baarlamanka, wasiirka difaaca, qorsheynta, caafimaadka iyo wasiirka warfaafinta.

Shirkii dhacay bishii March 2012-kii markii uu noo dhamaaday, ayaa wasiirka warfaafinta Abduqadir Jahweyn naga codsaday, anigga iyo madaxweyne Sheekh Shariif inaan kasoo qeyb galno, xafladda furitaanka TV-ga qaranka oo dhacaysa laba usbuuc kadib, waan aqbalnay, maadaama ay ahayd xafladd muhiim ah oo tv-gii qaranka dib loo soo howl galinaayo.

Markii ay ka dhiman tahay hal maalin, ayaa waxa isoo wacay wasiir Abduqadir Jahweyn si uu ii xasuusiyo inay barito xafladdii jirto, waan uga mahadceliyey sida uu ii xasuusiyey, waxa aan u raaciyey inuu madaxweynahana waco oo xasuusiyo, wax yar kadib buu igu soo celiyey, oo igu yiri, madaxweynaha waxa uu ii la hadlay si adag, iman maayo wuu ii raaciyey.

Waxa aan dareesanahay, madaxweynuhu inaanu idaacadaba la dhacsaneen, waayo horay buu iigu yiri idaacaddaan qarashka aan galiyey, iyo sida ay u dhaqmayso isma laha, waxa aan u qaatay inuu rabay in ololihiisa doorashada ay aad u buunbuuniso.

Maalinkii xigay, markii lagaaray xiligii xaflada, madaxweynuhu xafiiskiisa xili hore ayuu yimid, badanaa jadwalkiisu waa 10:00am, oo uu iman jiray, laakiin maalintaa 9:00am buu yimid, sababta cidi mataqaan? Wasiirkii baa u tagay si uu ugu soo qanciyo inuu madaxweynuhu xafaladdan muhiimka ah yimaado, saa nakata, wuu diiday Shariif, wasiirkii baa igu soo laabtay, waxa aan kula taliyey inuu xaflada baajiyo, madaxweynahana ogeysiiyo in xafladda dib loo dhigi doonno, si marka uu jaanis helo u yimaado.
Madaxweyne Shariif waxa uu amar ku siiyey wasiir Jahweyn inuusan xafladda baajin karin, isna uusan ka soo qeyb galaynin. Mashaqo!

Anigga iyo wasiirkii baa tagnay goobtii xafladda, oo ay iiga sii horeeyeen ilaaladayda, wasiir Goodax, wasiir Xusseen Carab iyo wasiirkii caafimaadka.
Waxa kale oo goobta jooga mas’uuliyiin sports oo caan ah, laakiin maalin kaas kama soo qeyb galin xafladda, gudoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha booliiska iyo xafiiska madaxweynaha oo aan waligood xaflad ka maqnaan.
Goobtu amaankeedu aad buu u sugnaa oo qof aan lasoo baarin masoo gali karayn.
Cabaar markii aan dhagaysanay hobolada waaberi oo heeso nagu madadaaliyey, ayaa la igu soo dhoweeyey mikrofoon-kii, mudda ilbiriqsiyo gudahood waxa dhacay qarax aan wax la arki waayey, la naxay, uuro iyo meyd, waxa aan indhahayga saaray meydkii Yaraboow Wiish iyo Siciid Noor oo labadoodaba ka tirsanaa Olympicada Soomalaiya.
Muddo kadibna, Mowliid Macaane ayaa dhaawac ahaan u geeriyooday. Allaha u raxmado dhammaantood.

Meeshii aan daganaa ayaan tagay, wax yar kadib shir sharaa’id baan qabtay, qaraxii baan canbaareeyey, guddi baaritaan oo uu hoggaaminaayo wasiirkii difaaca Xusseen Carab ayaan u magacaabay, waxa bilowday tuhun ah sababta uu madaxweynaha u diiday inuu xaflada yimaado iyadoo laba usbuuc ka hor loo sheegay, dhowr jeerna lagu noq-noqday, waxa aan ka shikinay sababta madaxweynaha u diiday in xafladda la baajiyo, sababta ay u maqnaadeen saaxiibadiis iyo xilliga uu yimid xafiiska.
Qarixii kadib, madaxweynaha waxa uu dayacaad amni ah ku dhaliilay wasiirkii warfaafinta oo uu markii horana, ka diiday inuu kasoo qeyb galo xafladda.

Dad badan oo siyaasiyiin ah ayaa giirku kacay, oo shaki qaaday, gaar ahaan markii xubnihii aad ugu dhowaa Shariifka aanu qofna ka iman xafladda. Yaa madaxwenaha baaritaan ku sameen kara oo u tagi kara marka? Waxa la isla qiray oo iska cadeed, in qarixii dhacay ahaa wax la soo maleegay, oo dad dowladda ka tirsan ay fududeeyeen, inakastoo Alshabaabku qirteen.

Arintii waxa aan la maciisanay garsooraha maxkamadda militariga oo ahaa markaa Muungaan, Muungaab wax aqoon iyo khibrad umuusan lahayn sharci iyo maxkamad toona, waana madaxweynaha inaadeerkii, si uu marin habaabin u sameeyo, ayuu xiray xubno iyo shaqaale ka tirsan xafiiskayga.
Hadda ogoow Muungaab qeyb kama ahayn, gudigga baaritaanka samaynaaya.

Anaggoo yaaban, ayaa muddo kadib, waxa ii yeeray madaxweynaha, waxa uu igu yiri, waxa aan kaa doonayaa inaad cayriso wasiir Jahweyn iyo wasiir Goodax, wax sabab ah iima sheegin Shariif, waxa aan ku iri wax danbi ah miyey galeen? Ma aqaane cayri bay kaga dhagtay! Waxa aan ku iri, cayrin maayo nin aan danbi galin, wasiiro qarankood u dhiman gaaray, walibana ah wasiiradda tirada yar ee aqoon iyo khibrad leh. I said no!
Shariifku waxa uu igu yiri, soo ma ogid inaan anigga kaa xiggo oo ay yihiin nimankaan niman Hawiye ah, waan yaabay, afkiibaa juuqda gabay, intaana kasoo kicin buu gui yiri, adigay ku saameen doontaaye ogoow.

Mudda yar kadib buu Ij soo diray Shariif Xassan oo ah nin aan waligii ka shaqeyn, meel aan dani ugu jirin mooyee, shaki hor leh baa igalay, waxa aan ogaaday inay rag kale deal lasoo galeen, xilkana rabaan jnay iyaga siiyaan, waan diiday isna, waxa uu igu yiri, ogoow hee aday ku galaafan toontaaye.
Anaggoo aan juuq iyo jaaq isu dhihin, ayaa Xamar laga soo dajiyey, meydkii madaxweynihii hore, ee Abdullahi Yusuf Allaha u raxmadee, baryahaas baan isku soo laabanay, kadibna sadexdeenii ba waxa aan noqonay murashixiin u tartamaya madaxweyninimo oo aan is ogeyn, hase yeeshee dhammaanteenba waan qasaarnay, oo ciidaa afka naloo daray.

Fiiro-gaar ah dadkaa oo uu Mw. Gaas xusay dhamaantood waa wada nool yihiin.

WQ:-Dhollayare.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*