19th September 2024  admin  Category :

Dil ayeey uga xukuman yihiin SNM ismana difaacayaan oo Nimankii SNM soo dirsatay ayaa xorriyad ku dhex maraya gobolka

Dhowaan ayaa isku day dil oo laga soo abaabulay Somaliland uu ka bad baaday Taliye Gurey Saalax, oo la doonayey in lagu dilo degaano hoos taga degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen in badan oo ka mid ah saraakiisha SNM, oo uu ka mid yahay Dalaf ninka ugu magcaaban SNM gobolka Sanaag maalintaa waxay joogeen Yube oo waxa sugayeen natiijada dilka iyo isku dhacyo beeleed oo ka dhasha arintaad la doonayey inay ka dhacan degaano hoos yimada degmada Badhan. Xayle, Xuseen Dheere iyo Ina Siciid Toor ayaa la sheegay in loo dili doono Allah ha u naxariistee sidii loo dilay Tusbaxle.

Ugu danbayntii Saraakiishan dilka uga xukuman SNM, ayaa had iyo jeer u ogolaada in kuwa u shaqeeya SNM ay si xorriyad ah ay ku dhex maraan gobolka, taasina waxay khatar ku tahay naftooda iyo tan Bulshada loo xil saaray inaay ilaaliyaan.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*