23rd December 2024 admin Category :
Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 oo mabda ahaan heshiis laga gaarey?
Iyada oo maalmihii u danbeeyey ay cakirneyd xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay mugdi ku jirtey sida la yeelayo haddii muddada dastuuriga ah uu ka dhamaado goloyaasha Dowladda Federaalka ayaa waxaa soo baxaya in uu jiro is afgarad guud oo laga gaarey nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, taas oo Horseed Media ogaatey in mabda’ ahaan la isugu waafaqsan yahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Famraajo iyo goloyaasha baarlamaanka waxaa xiligii dastuurku siinaayey ka harsan 6 bilood oo kelya, waxaa aad u xumaa xriirka uu la lee yahay Dowlad goboleedyada dalka, waxa uu muddo badan ku celceliyey in dalka uu ku dhaqayo sharciga doorashooyinka oo dhigaya doorasho qof iyo cod ah, taas oo si weyn la isu weydiiyey mudada harsan sida uu ku hirgelin karo, waxaa taas dheer in uu albaabada ka xirtey cidkasta oo ay kala dhexeysey danaha siyaasadda ee geeddi socodka dowladnimada Soomaaliyeed ee aan weli si rasmi ah u taabbo gelin.
Maxay ahayd sababta shirkii Muqdisho ee 05 Luuliyo u baaqdey?
Waxay ahayd maalintii Axadda ee 05 Luuliyo, in Muqdisho uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, shirkan waxaa baajiyey, ballan ka bax la sheegay in Madaxweyne Famraajo ku sameeyey qaar kamid ah madaxda Dowlad goboleedyada taas oo ku saabsaneyd, hakinta arrimaha doorashada ee Golaha shacabku sii watey iyo halka lagu qabanaayo shirka. Arrintaas waxay abuurtey in aan dib la isu aaminin oo qaar kmaid ah madaxda Dowlad goboleedyadu ayba diidaan in ay telefonka xitaa kula hadlaan Madaxweyne Farmaajo.
Beesha Caalamka ayaa cadaadis xooggan saarey Madaxweyne Farmaajo, waxyaabaha cadaadiska weyn lagu saarey waxa kamid ah in aan caalamku ku taageryn qaabka uu doonaayo in uu doorasho u qabto taas oo aan heshiis lagu hayn waxaana loo sheegay in loo arko mar-marsiiyo (pretext) in xiligan uu sheegto qabanayo doorasho uu diyaar garoowgeeda ka gaabiyey, Dowladdiisa oo ku taagan taageerada beesha caalamka ayaa loo sheegay in aysan heleyn taageero haddii ay sharciyad beesho, isla markaana lagula xisaabtamayo cidkasta oo carqaladeysey geeddi socodka sida nabadda ah ku soo socdey 20 sano ee u danbeeyey, wixii ka dhashana masuuliyadeeda uu qaadayo.
Qodobada ka hor shirka maamul goboleedyada mabda’ ahaan la isla qaatey ayaa ah
- In Golaha Shacabku hakiyo hindisaha Xaliima Yareey keentay ee muddo kordhinta ah.
- In Doorashado noqoto mid Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalku isla oggol yihiin.
Nooca doorasho ee mabda’ ahaan la isla qaateey?
Nooca doorasho ee hadda miiska saaran ayaa ah in la qaato mid u dhaw tii 2016 ee loogu yeeri jirey doorasho dadban, tan ayaa lagu wadaa in loo bixiyo 2016+, waxaana ay uga duwanaan doontaa doorashadii hore
- in hoos loo daadejiyo, kuraasta la geeyo degmooyinka iyo gobolada,
- in dadka soo dooranaya Xildhibaanada tiro ahaan ay ka badnaandaan tii hore oo la gaarsiiyo 250 iyo ka badan,
- in kuraasta Aqalka Sare loo soo doorto si lamid ah tan Aqalka hoose,
Doorashada cusub ayaa kala mid ahaaneysaa doorashadii 2016
- in ergooyinka doorashada ka qaybgeleysa ay soo xulaan odoyaasha dhaqanka, Isimka guud ee ka mid ah 132 Isim uu saxiixo ergooyinka doorashada ka qaybgalaya.
Shirka Dhuusamareeb
Dowlad goboleedyada kala ah Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa ku ballansan shirka Dhuusamareeb, waxaana shirkaani hordhac u noqonayaa shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, shirkan ayaa la doonayaa in dowlad goboleedyadu marka hore wax isku soo waafaqaan.
Qodobada ugu adag ee Dowlad goboleedyadu shirka hordhaca ah uga hadlayaan ayaa ah.
- Halka shirka lagu qabanaayo
- Nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa
- iyo metalaada Gobolka Banaadir
Qodobka saddexaad ee shirka Dowlad goboleedyada ayaa noqon doono kan ugu adag oo ay adag tahay in ay mowqif mideysan ka qaataan, waxaana ugu dhaw in ay qaataan soo jeedintii guddigii isku dhafka ahaa ee ah in Banaadir metalaad loo siiyo 8 Xildhibaan iyada oo loo marayo marka hore in dastuurka qodobkiisa 72 la furo, oo la sameeyo maqaamka Muqdisho kaas ka horeeya Metelaada, maadaama dowlad goboleed aysan ahayn.
Gebagebo
Ugu danbeyntii waxaa muuqata in meesha uu ka baxayo mugdigii ku daboolna halka loo dhqaaaqayo, sidoo kale waxaa meesha ka baxaya isku daygii Shirguddoonka Golaha Shacabka ee isu arkey in ay yeesheen awood aad u badan, iyaga oo isu arkey in ay yihiin iyaga keliya cidda nidaamka doorasho ee dalka ka talin karta, waxaana ay maalmihii u danbeeyey wadeen in ay meesha ka saaraan Xukuumada hadda jirta ee wakhtiga kooban u harey si loo soo dhiso Xukuumad cusub oo la jaanqaada muddo korosi ay samaystaan.
Waxaa la is weydiinayaa farsamo ahaa inta ay qaadan karto in doorasho lagu diyaariyo oo beesha caalamkuna taageerto, waxaana loo badinayaa in ay doorashadu dhici doono ka hor bisha ramadaan ee sanadka 2021.
Maxamed Cismaan
Horseed Media