25th October 2024  admin  Category :

Weriyihii sheegay in Farmaajo Qol ICU ah ka samaystay Villa Wardhiigleey oo Mishiinka lagu neefsanayey ee Cisbitaal Martini qaatay ayaa la sii daayey

Agaasime kuxigeenka Warbaahinta Goobjooga C/casiis Axmed Gurbiye ayaa goor dhoweyd lagu sii daayay damiin, kaddib afar cisho oo u xirnaa Booliska Soomaaliya.

Dadaalo maalmihii u dambeeyay socday oo ku aadanaa sidii loo sii deyn lahaa, ayaa maanta la ogolaaday in damiin lagu sii daayo, waxaana horay u jirtay in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay diiday in damiin lagu sii daayo.

C/casiis Gurbiye ayaa la sheegay in xariggiisa ay ka dambeysay madaxtooyada, inkastoo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada uu iska fogeeyay in Madaxtooyada ka dambeyso xariggaas, ayna jirin wax dacwad ah oo ay ka gudbisay.

Hase ahaatee qodobada eedeymaha ee xeer ilaalinta u soo jeedisay waxaa ka mid ahaa inuu meel uga dhacay sharafta Madaxweynaha.

C/casiis Gurbiye ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray ku sheegay in Madaxweynaha uu qaatay qalabkii Oksijiinka ee yaallay Isbitaal Martiina, waana arrinta ugu weyn ee loo xiray,

Balse warka ku saabsan in laga qaaday Isbitaalka Martiina qalabka Oksijiinka iyo in la geeyay Isbitaalka Madaxtooyada ayaa aad isa soo tarayay, waxaana dad badan ay xaqiijiyeen jiritaanka warkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*