21st December 2024  admin  Category :

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo waraysi bixiyey maalintii shalay wuxuu ku sheegay waraysigiisa in dawladda Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka dhex yaala Dawladaha Itoobiya iyo Masar oo isku haysta biyaha Webiga Nile

Laakiinse Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda C/qaadir Axmed-khayr, oo ka mid Soomaalidii Taliye Guulwade ka keenay Itoobiya oo ay is hayaan wasiirka, sida Safiirka Cumaan oo ay beel ka soo wada jeedaan u diidan yahay inuu ka amar qaato wasiirka ayaa ka daba-tagtay oo diiday qaraarkii ay horay dawladda Soomaaliya iyo wasiirka arimaha dibadda Cawad ee Jaamacadda Carabta, kaasoo lagu cambaareynayay dowladda Itoobiya qorshaheeda ku saabsan biyo xireenka Wabiga Niil.

Shirkii Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ku yeesheen magaalada Qaahira 4-ta bisha March 2020 ayaa Soomaaliya ku codeysay qaraarka ay soo direysay dowladda Masar.

Inta badan xubnaha Jaamacadda Carabta ayaa u codeeyay qaraarkaas oo taageeray, balse dowladda Sudan ayaa ka gaabsatay qaraarkaas, iyada oo qeyb ka aheyd wada hadaladii Washington ku dhex maray iyada, Masar iyo Itoobiya, isla markaana uu Mareykanka dhex dhexaadiye ka ahaa.

Dowladda Itoobiya ayaa ka carootay tallaabadaas, waxaana taasi keentay in warqad u soo dirto Soomaaliya, si ay sharaxaad uga bixiso arrinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa caddeeyay in Jabuuti iyo Soomaaliya ku lug lahaayeen gudbinta qaraarka, balse aanay aaminsaneyn in qaraarkaasi kaalin wanaagsan ka ciyaari karo inuu nabadgelyo u horseedo gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa 18-kii bishan socdaal hal maalin ah ku tagay Addis Ababa, isagoo farriin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaana farriintaas la rumeysan yahay inay aheyd mowqifka Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Masar iyo Itoobiya oo ah dhex dhexaad.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii dambe ka daba-tagtay oo qoraal u dirtay Jaamacadda Carabta, iyadoo ku cadeysay inay ka gaabsatay qaraarkaas, kaddib cadaadis uga yimid Itoobiya, sida ka muuqata qoraalka Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta oo la qoray.

Shirkii Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta waxaa Soomaaliya u matalayay oo fadhiyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda C/qaadir Axmed-khayr, waxaa la sheegay inuu u taageeray qaraarkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*