23rd October 2024  admin  Category :

Kheyre oo hakiyay mashaariic laga reebay degaanada Beelaha Hawiye

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray amar lagu hakinayo Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka.

Amarka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono mashruuca, waxaana laga qeyb gelin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.

Heshiiskan la kala saxiixday ayaa waxaa uu ka kacayay 112 malyan oo dollar taasoo min 28 malyan oo dollar ay u kala heli lahaayeen magaalooyinka Muqdisho,Garowe,Baydhabo iyo Kismaayo.

Hase yeeshee heshiiskan la kala saxiixday ayaan ku jirin Degaanada Beelaha Hawiye Hirshabelle iyo Galmudug.

Khayre marna ugama hadlin cunaqabtaynta Dhaqaale ee lagu hayo gobolada Sanaag iyo Sool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*