25th December 2024 admin Category :
DURUUFAHA KU XEERAN MAAMULKA SOOL & SANAAG
(Ama W iyo Dh.)
- ( qaybta 1aad)
In Maamul- Goboleed gaar ah loo sameeyo gobollada Sool iyo Sanaag ama beelaha Wersengeli iyo Dhulbahante , waa arrin meesha ku jirta loona baahan yahay, hase yeeshee waxa jira duruufo u gaar ah oo ku xeeran( Pros and Cons). Duruufahaas haddaan siday yihiin loo tixgelin loona kala hormarin,waxay sabab u noqon karaan dhibaato aan laga soo waaqsan oo ku habsata degaamadaas iyo beelaha deggan.Haddii aan mid mid u kala qaado duruufahaas, waa sidatan:
1- Xaaladaha ay xilligan ku sugan yihiin Maakhir iyo Khaatumo oo kala geddisani waxay kala yihiin:
a) Khaatumo, kolka laga reebo; Buuhoodle, Boocame iyo Taleex , degaannada Dhulbahante waxay ku jiraan gacanta Somaliland, ha noqoto Konfurta degmada Ceerigaabo , badiba G.Sool iyo tuulooyin ka tirsan degmada Buuhoodle , sida Widh widh iyo Xadhadhanka.
b) Maakhir, degaannada beesha Wersengeli , kolka laga reebo nawaaxiga Ceerigaabo iyo degmada Yubbe oo ciidan Somaliland kor fadhiyo, inta kale waxay ku jiraan gacan Wersengeli oo Puntland xidhiidh la leh- ( Waa saddexda degmo ee Dhahar, Badhan , Laas qoray iyo tuulooyinka Wersengeli ee degmada Ceerigaabo sida; Damalla- Xagarre, Shinbiraale, Daara- salaam, Carmale, Dhabar- dalool ilaa Xeebta Waqderya iyo Geelweyta)
c) Galbbeedka Gobolka Saaag iyo degmada Caynaba oo gobolka Sool ah iyo tuulooyin ka tirsan degmada Buuhoodle, sida Qorilugud waxa leh ama u badan beesha Isaaq ( Habar Yoonis iyo Habar Jeclo).
2- Duruufaha Dhaqaale .
Labada gobol midkoodna maleh Kaabayaal dhaqaale( Dekedo ama Airport- yo) saldhig u noqon kara dhisme Maamul, sida dekedaha Kismaayo , Boosaaso iyo Berbera oo saldhig u ah maamullada JL, PL, iyo SL . Haddii maamul loo dhiso Sool iyo Sanaag waxay u baahan yihiin gacanta Dawladda Dhexe intay iskood isu taagayaan. Waxay lamid noqonayaan; Galmudug, Hirshabeele iyo K.Galbeed.
Awoodaha Maamullada Hareeraha ku leeyihiin Sool iyo Sanaag:
a) Gobolka Sool (80 %)waxa si rasmiya u maamula Somaliland. Xubnaha beesha Dhulbahante ee ka tirsan Maamulka Hargeysa baa gacanta sare kuleh aarrimaha gobolka. Buuhoodle gacanta kuma hayso SL. Sababta ugu weyn ee hortaagani waa colaadda iyo is aamindarrada soo jiraaga ah ee u dhexay Dhulbahantaha Hawd( Axmed Garaad, Khaalid, Hayaag, Yaxye iwm) iyo beelaha Isaaq ee deriska la ah( H. Yoonis iyo H. Jeclo). Inkastoo xubnaha Reer Buuhoodle ee SL, tegi karaan degaankooda , ma suurtowda in Isaaq ka taliyo Buuhoodle.
Intaas waxa dheer , degaanno ballaadhan oo beesha Dhulbahante degi jirtey oo ka tirsan Sool, Sanaag iyo Cayn baa waxa la wareegay beesha Isaaq 100kii sano ee lasoo dhaafay. Welina dal- riixu waa ku socdaa.
Shacabka
Dhulbahante (80-90 %) ma jecla Puntland iyo Majeerteen. Kolka isbarbardhig la sameeyo in badan baa is xejisa Isaaq.
b) Maakhir,
Degaanka Wersengeli waxa 90% gacanta ku haya Wersengeli, dadkuna waxay raacsan yihiin Puntland inkastoo saluug iyo wax tirsi jiro. Majeerteen waxay u arkaan tolkood ama walaalahood.
( la soco qaybta 2aad ee warbixinta iyo talo soo jeedinta)