25th October 2024  admin  Category :

Maxay isku hayaan madaxda ugu saraysa ee Puntland?

Madaxweynaha Dawladda Puntland Siciid Deni iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa maalmahan danbe khilaafkoodu banaanka u soo baxay, kaas oo soo jiitamayey dhowrkii bilood ee ugu danbaysay.

Hadaba Khilaafkani muxuu ku salaysan yahay? Yaase khaldan labadan hogaamiye”

Marka labo qof oo is haya loo garnaqayo sida uu yahay dhaqanka Soomaaliyeed ama Maxkamadahaba la hor keeno si loo kala saaro labada dhinacba waa la dhegaystaa.

Madaxweyne Deni iyo Gudoomiye Daareed, labduba waa sheegeen waxay isku hayaan.

Madaxweyne Deni waa kan isaga oo soo bandhigay waxay isku hayaan isaga iyo Gudoomiye Daareed

“Haddii dowladda dhexe loo heysto Koofurta Soomaaliya, taasi waa qalad, dowladda Federaalka waa dowlad anaga qeyb aan ka nahay waa 4.5, qeybsi ayaa lagu jooggaa, hada hoggaanka jooga iyo Puntland ayaa wada xisaabtamaya, Anigu xisaabtan baan meel la fadhinayaa adinka ayaan idinku matalayaa, dhawr jeer ayaa wax la ii sheeg sheegay, hadaad rabtaan inaan sidaas iska yeelo, waa la kari karaa ruuxadeeda, Puntland kama soo horjeedo dowladnimada oo waaba halkii laga aas aasay, marka dowladda wax kale kama doonaynee mudnaanteena sifada sharciga ah hanagu siiso”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhanka kale Gudoomiye Dhooba daareed wuxuu ku doodayaa in tagu taageero madaxweyne Farmaajo Federaal diidnimada . Dhooba daareed waxay fikirkan ay isaga mid yihiin Amin Caamir. Mulkiilaha Universal Abiikar, Jeesoow, Faysal Waraabe iyo Xaad

1- In Maamul magac u yaal ah ay gobolka Sanaag u sameeyaan Maareeye iyo Cali Khaliif

2- In aan loo baahnayn in Dastuurka Soomaaliya la dhamaystiro

3- in aan loo baahnayn in la dhiso ciidan Qaran oo Maleeshiyaadka Muqdisho joogaa ay yihiin Ciidan Qaran

4- In Mashaariicda magaca Soomaaliyeed lagu soo helo ayna soo dhaafin Muqdisho

5- In Farmaajo uu maanta ku faano inuu joojiyey lacagtii Jidka Ceel daahir loo qoondeeyey, oo sababtu tahay in meelo ka haboon ay ka jiraan Koonfurta Soomaaliya

6- In aan beesha Warsangeli, Agaasime, Safiir iyo Taliye looga magcaabayn dawladda federaalka inta ay Puntland ka midka yihiin–

7- In Xildhibaanada soo socda ee reer Maakhir sida kuwa kale ee reer Waqooyi, ee Dirta Waqooyi laga soo xuli doono Muqdisho

8- In Alshabaabka ku jira buuraha Cal madow ay ka duwan yihiin kuwa kale ee jooga Soomaalida inteeda kale

9-In Sool iyo Sanaag haddii laga caraysiinayo maamulka Hargaysa

https://allsanaag.com/yaa-gacanta-ugu-hortaagay-ansixinta-aaran-jaan/

https://allsanaag.com/yaa-maqlay-gudoomiyihii-baarlamaanka-puntland/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*